Hargeysa (SLpost)- Urur siyaasadeedka Barwaaqo, ayaa noqday ururkii u horreeyey ururada siyaasadda ee soo baxay ee Guddi Gaar ah u magacaaba Xidhiidhka ururku la leeyahay Daneyayaasha maxalliga ah ee Arrimaha Doorashooyinka Somaliland.
War-saxaafadeed uu u saxeexan yahay guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Barwaaqo Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu ku magacaabay Guddiga ururka ee Xidhiidhka Ururrada Siyaasadda iyo Hay’adaha Qaranka u Qaabilsan Arrimaha Doorashooyinka oo saddex xubnood ka kooban.
Xubnaha Guddiga la magacaabay oo saddex xubnood ka kooban, waxa sida War-saxaafadeedka lagu sheegay ansixiyey Guddiga Fulinta ee ururka, waxaanay go’aanka magacaabistoodu ku timi kaddib kulamo is-daba jog oo maalmihii u dambeeyey u socday Hoggaanka Ururka Barwaaqo si loo dardargeliyo Arrimaha Doorashooyinka, ururrada iyo Axsaabta Siyaadda.
Guddoomiye Maxamed Cabdi Gaboose waxa kale oo uu u Magacaabay Afhayeenka Urur-siyaasadeedka Barwaaqo inuu noqdo Dr. Khadar Barre Cilmi.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Barwaaqo oo ku taariikheysan 24-kii Bishan May, ayaa u qornaa sidan:-
“Ujeeddo: Magacaabidda Guddiga Xidhiidhka Ururrada Siyaasadda iyo Hay’adaha Qaranka iyo Doorashooyinka.
Markhaan Arkay: Baahida loo qabo in la helo xidhiidh joogto ah oo lala yeesho hay’adaha u qaabilsan Qaranka Doorashooyinka.
Markaan Arkay; In loo baahan yahay Xidhiidh ballaadhan in lala yeesho urur siyaasadeedyada iyo Axsaabtii hore.
Markaan Kala Tashaday: Guddiga Fulinta ayna saxeexeen.
Waxaan Guddigan u Magacaabay
- Aadan Xasan Mataan – Guddoomiye
- Maxamed Xuseen Caydiid – Guddoomiye ku-xigeen
- Cabdikariim Yuusuf Muuse – Xubin