Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan La Yeeshay Wefti ka socda Midowga Yurub

0

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Barnaamijyada Cadaaladda iyo Amniga ee Midowga Yurub marwo Veronique Geoffrey oo ay wehelinayeen Sophia Omoro oo ka socotay safaaradda dalka Sweden.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare, Ujeeddada kulanka ayaa daarnayd is xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga soo jireenka ah iyo saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhaxaysa dalalka midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay xubnaha waftiga iyo Guddoomiyuhu iska waraysteen barnaamijyada ay dalalka Midowga Yurub iyo Sweden iska kaashadaan Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mustaqbalka wadashaqaynta ka dhaxaysa.

Warku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiyuhu uu weftiga uga xog-waramay koboca Hay’adaha Garsoorka dalka, gaar ahaan Maxkamadaha Guurguura oo kaalin mug leh kaga jira xallinta khilaafaadka, waxaanu ku dheeraaday is-bedelada muuqda ee ka hirgalay Hay’addaha Garsoorka gaar ahaan dhanka cudduda shaqaalaha, waxaanu Midowga Yurub ku booriyay in ay sii wadaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo warku intaas ku daray in Masuuliyiinta Waftiga ay dhinacooda sheegeen inay ku qanceen barnaamijyadda horumarineed ee ka midho dhalay dalka, gaar ahaan Waaxda Garsoorka oo marba marka ka danbaysa koboc baaxad lihi ka muuqanayo, waxaanay ballan-qaadeen in ay sii wadayaan iskaashiga soo jireenka ah ee ay la wadaagaan Somaliland.