Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan la qaatay Madaxa hay’adda Interpeace ee Bariga Afrika

0

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo uu wehelinayay la taliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxa hay’adda Interpeace ee Bariga Afrika Mr Theo Hollander oo ay wehelinayaan masuuliyiin ka socda xafiiska hay’adda ee Somaliland.

Kulanka ayaa lagu lafo-guray sidii loo dar-dar gelin lahaa horumarinta dhismaha nabadda, xalinta khilaafaadka iyo xoojinta garsoor iyo cadaalad waarta iyo sidii hay’adda Interpeace arrimahaas ugala shaqayn lahaa Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xidhiidhka warbaahinta ee Maxkamadda Sare, Mr Theo Hollander ayaa Somaliland ku bogaadiyay horumarinta togan ee ay ka sameeyeen nabada, xalinta khilaafaadka iyo dedaalada ay ugu jiraan sidii ay xasilooni waarta uga abuuri lahaayeen mandaqada. Waxaanu balan-qaaday in ay xoojin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, ayaa hoosta ka xariiqay in dunidu cashar ka baran karto Somaliland, marka la eego shirarkii dib-u-heshiisiinta kuwaasi oo sal-dhig u noqday helida nabad ay heshiis ku yihiin dhammaan muwaadiniinta dalka.

Warku waxa uu intuu ku daray in guddoomiyuhu soo bandhigay sida gasroorka dalku u fidiyay adeeggii garsoorka, kaasi oo suurtaligay in deegaanada ka fog magaalooyinka waaweyni helaan xuquuqohoodii aas-aasiga ahaa oo laga hirgaliyay maxkamado u adeega. Halka maxkamadaha guur-guurana sannad walba dar-dar galin hor leh lagu sameeyo, si loo adkeeyo adeega garsoorka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net