Hargeysa(SLpost)Guddoomiyaha maxkamadda sare iyo ta dastuuriga ah islamarkaana ah guddoomiyaha gudida cadaaladda Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa maanta kullan uu la yeeshay guddoomiyayaasha maxkamaddaha Maroodijeex, qareenada iyo xeerilaaliyayaasha ayaa soo bandhigay dirays kala duwan oo ay leeyihiin bahda garsoorka si ay uga duwanadaan dadka kale.
Kullankan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee maxkamadda sare ayaa guddoomiyuhu sharaxay hirgalinta dirayska bahda garsoorka xiliyada ay shaqada ku jiraan si ay ula jaanqaadaan nidaamka caalamka.
Prof Aadan Xaaji Cali oo arrinkaa ka hadlaya ayaa waxa hadaladiisaa ka mid ahaa βWaxa aynnu maanta iskugu nimid in la soo bandhigo dirayskii kala duwanaa ee bahda garsoorka oo maanta laga bilaabo la hirgalinayey. Bahda cadaaladu waa bah isku mid ah, ujeedo kaliyaata ayey leeyihiin oo ah in ummada cadaalad la gaadhsiiyo. Si haddaba haybadna u yeeshaan islamarkaana ugu soocmaan dadka kale ee ay u adeegayaan, waxa maanta laga bilaabo la bilaabayaa oo la soo dajiyey dharkii ay qaadan lahaayeen marka ay shaqada gudanayaan. Marka ay noloshooda gaar u wataan dharkooda caadiga ah ee muwaadiniinta kale ayey la mid yihiin, laakiin marka ay shaqada ku jiraan waxa ay xidhanayaan dhar shaqadoodiina tusaaya islamarkaan tusaaya waaxaha kala duwan ee garsoorka islamarkaana qayb waliba gaar usii leedahay.
Waxaan doonayaa in aan sheego ujeedada dirayska, marka koowaad waa standard dunida ah. dunidaa ayeynu la mid nahay mid islaam iyo mid gaal, waxaana ay ka mid tahay nidaam wanaagga. Marka aynnu eegno dhinaca kalena faaβiidooyin badan bay leedahay oo waxa ka mid ah haybad qofka kaga soocnaado dadka kale, ta kale shaqo wanaagna way keenaysaa. Haddaynu ka eegno guud ahaana waa curfi wanaagsan oo deegaankii laga shaqaynayeyna waxa ay ka dhigaysaa deegaan wanaagsan laga hawlgali karo oo qiimihiisa leh.
Prof Aadan waxa uu sheegay in dirayskaasi maanta laga bilaabo uu hirgalay dhammaan inta uu ku waajibayna la siiyey muddo 2 billood ah oo ay ugu diyaargaroobayaan samaysashada dirayskan βMaanta laga bilaabo dalka oo dhan bay laga hirgalinayaa, wakhti bay qaadanaysaa oo la siin doonaa in lagu diyaargaroobo oo qof walba ku diyaar garoobo, wakhti 2 bilood ah baa lagu diyaargaroobayaa laakiin degdeg baa loo bilaabayaa oo annaguba waannagaa maanta soo qaadannayβ
Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu si faahfaahsan u qeexay afarta waaxood iyo sida ay u kala labisanayaan dirays ahaan, waxaana uu yidhi βGarsoorayaashu waxa ay xidhanayaan shullug madaw, oo leh callanka JSL waxa kale oo uu leeyahay astaanta garsoorka iyo liid dahabi ah. Xeerilaaliyayaashu waxa ay xidhanayaan Shullug madaw oo leh callanka JSL iyo Liid cas oo dheer oo uu ilaa gacmaha ku leeyahay iyo astaanka garsoorka. Kaaliyayaashu waxa ay xidhanayaan callan buluug ah oo leh callanka JSL iyo astaanka garsoorka oo wata surwaal madaw, habluhuna dirayska uun bay kala simman yihiin. Gaadhsiiyayaashu waxa ay xidhanayaan shaadh cas oo leh callanka JSL, astaanka Garsoorka iyo surwaal madaw. Waxa kale oo iyaguna jira qareenada waxa ay xidhanayaan suudh madaw, shaadh cad iyo tay madawβ
Xeer ilaaliyaha guud Xasan oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay guddoomiyaha maxkamadda sare waxaΒ aannu sheegay in dirayskani uu faaβiidooyin badan leeyahay islamarkaana ay tahay haybad waaxda garsoorku leedahay, isaga oo xusay in ay qayb ka tahay dib u habaynta ku socota dhammaan bahda garsoorka iyo cadaaladda JSL.
Somalilandpost.net, Hargeysa Office