Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Caasimadda Shiinaha

0

Beijing,(SLpost) Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbigil-xaakimka KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo socdaal booqasho todobaadyo ah ugu baxayย ย shalay Jimcihiiย ย dalka Chiinaha, ayaa shalay ka degey xarunta Caasimada dalkaas ee Beijing.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed qoraal ah ooย ย kasoo baxay Xafiiska Xisbiga Kulmiye qaybtiisa waxrbaahinta ee magaalada Hargeysa. Waxaanu u dhignaa sidan:- โ€œXubnaha Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxay ka degeen madaarka Caalamiga ah ee international airport ka Beijing, waxaana halkaa si farxad leh ugu sooย ย dhaweeyey madax sare oo ka socotayย ย dowlada China, kuwaasย ย oo ay ku jiraan Maayarka caasimada Beijing Mr: Dong iyo Saraakiil sare oo ka socotayย ย xisbiga talada wadankaa haya ee loo yaqaanย ย China Communist party. Sidoo kale Weftiga Kulmiye waxa halkaa kusoo dhoweeyay oo weheliyay masuuliyiinta soo dhowaysayย ย ganacsato waawayn oo ah kuwa maamula shirkadaha waaweyn ee dalka China.

Dhinaca kalena kooxo ka socdayย ย dhalinyaradaย ย waxbarashada u joogaa dalkaa iyo xubno ka socdayย ย jahliyada reer somaliland ee dagan wadanka china ayaa ka qayb qaatay soo dhowaynta wefdiga, waxaana xubnahaa wefdiga loo gelbiyay Huteel loo qorsheeyay, iyadoo ay sida lagu sheegay qoraalkaa kooban eeย kasoo baxay safarkooda casho sharaf loo sameeyay wefdiga Kulmiye ee ku sugan China.

Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Somaliland ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo ay safarkaa ku weheliyaan Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Fulinta ee xisbiga Kulmiye, oo ay ka mid yihiin; Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah Afhayeenka xisbiga iyo Mudane Axmed Cabdi Xuseen oo ah xidhiidhiyaha hawlaha xisbiga, waxay mudada ay halkaa joogaan kulamo la yeelayaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dalka china, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan xisbiga China communist party.โ€

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net