Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa guddida joogtada ah ee Aqalkaasi u gudbiyay anshax-marinta saddex mudane oo ka soo horjeedsaday Muddo kordhintii loo sameeyay xukuumadda talada haysa.Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali iyo Xildhibaan Mubaarik Axmed Jaamac.Warqadan oo uu guddoomiyuhu si toos ah ugu socodsiiyay guddida joogtada.
โMudanayaal, Sidaad ka warqabtaan Golahu goโaan ayuu gaadhay uu ku ansixiyay Codkii ugu Badnaa Goโaankaasi oo la xidhiidhay muddo Kordhinta oo waafaqsan Qoddobka 83 Ee Distuurka Qaranka,Sidaas Awgeed Mar hadii uu golahu goโaan gaadho waxa waajib ah in loo hogaansamo lana wada difaaco,Balse saddexda mudane ee kor ku xusani waxa ay ku kaceen danbi kaasi oo ka horimanaya Goโaan gole iyaga Hadaba waxa laydin farayaa inaad ka soo talisaan wixii golahu ka yeeli lahaa kana goโaan gadhaanโ.
Allaa Mahad Leh