Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo lagu soo dhawayanay badhasaabka cusub ee Gobolka Maroodijeex md Maxamed Maxamuud Jeeniyare, ayaa maanta lagu qabtay hotel Star ee Magaalada Hargasya.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen wasiirada Wasaarada Gaashaan dhiga ,Guriyaynta, Dib u dajinta,Caafimaadka,Wasiir ku xigeen warfaafinta,taliyayaasha astuubta iyo badaha, Madax dhaqameed, qaar ka mida xidhibaanada golaha guurtida, cuqaal, culimo-awdiin,Β Β ayaa waxa sii balaadhan loogu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodijeex
Ugu horayn waxa ka hadlay Suldaan ka Guud ee Beelaha Somaliland Md Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ku soo dhaweeyay si niyad samaan iyo kalgacayl ku dheehan yahay waxanu ilaahay uga rajeeyay inuu u fududeeyo xilkaa culus ee loo igmaday
Waxa kale oo ka hadlay wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Xuseen Maxamuud (Xuseen-xoog) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey guddoomiyaha, waxaanu ugu duceeyay in Illaahay u fududeeyo guddoomiyaha xilka dhabarka loo saaray isaguna si daacada umada ugu shaqeeyo.
Wasiirka wasaaradda Guriyaynta iyo gaadiidka Md Axmed CabdiΒ Xaabsade, Ayaa isagu kalmado dardaaran iyo soo dhawaynΒ ay ku dheehan tahay goobtaas ka jediyay
Gabagabadii wax halkaa ka hadlay guddoomiyaha cusub ee gobolkan Maroodijeex Md Maxamed Maxamuud Jeeniyare oo marka koowaad tilmaamay inuu ku faraxsanyahay isku beddelka madaxwaynuhuΒ sameeyay maadaama isaga loo soo beddelay gobolkii caasimada dalku ku taalay, waxaanu dhamaan masuuliyiintii goobta ku sugnayd ka codsaday inay u duceeyaan in Illaahay la garab galo oo ku asturo xilkaa culus ee loo igmaday.
Somalilandpost.net