Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa Maanta Hadhimo-sharafeed u sameeyay Guddolmiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
Hadhimo-sharafeeddan waxa ka qayb-galay Madaxda kale ee Baanka, sida Agaasimaha guud Maxamed Qaasim Xuseen, Xubnaha kale ee Shir-guddooonka Golaha, xildhibaannada Golaha Wakiillada, Wasiirrada Xukuumadda Somaliland iyo Madax-dhaqameed.
Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Baanka dhexe Engineer Cali Cabdillaahi Daahir, waxaanu sheegay in Faratoon uu yahay siyaasi ruug-cadaaya oo Golaha Wakiilladu u baahnaa hoggaamintiisa.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani iyo Xildhibaan Barkhad Batuun.
Gebogabadiina waxa Hadhimo-sharafeeddan ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuudย (Faratoon).