Qaahira, 15 April, 2012 (SLpost)- Guddiga Sare ee doorashooyinka dalka Masar ayaa ka joojiyey Inay ka qayb galaan tartanka doorashada Madaxtinimada dalka Masar toban murashax oo ka mid ah saddex iyo labaatan murashax oo waraaqahooda murashaxnimada u gudbiyey gudiga doorashooyinka.
Murashaxiinta laga joojiyey doorashada waxa ka mid ah Khayraat Shaadiri oo Akhwaanuk-muslimiinku soo sharaxeen iyo Abu Ismaaciil, waxaana laalida murashaxnimadooda ay gudiga doorashooyinku ku sababaysay iyaga oo buuxin waayey shuruudihii laga doonayey murashaxiintaasi.
Guddiga doorashooyinku waxa ay murashaxiinta ay joojiyeen murashax-nimadooda ku sheegtay Bayaan ay soo saartay sabtidii, waxaana bayaankaasi Guddiga lagu sheegay in murashaxiinta la joojiyey murashaxnimadoodu ay xaq u leeyihiin inay qaraarka gudiga ku duraan laba maalmood gudahood.
Wakaalada wararka ee France press, ayaa waxa ay ka soo xigatay Mr. Daariq abul- cadaa oo ah masuul ka tirsan guddiga doorashooyinka inuu sheegay, in murashax Cumar sulaymaan oo ahaa madaxii sirdoonka ee maamulkii madaxweynihii hore Xusni mubaarik loo laalay murashaxnimadiisa isaga oo buuxin waayey inuu wakiilo ku yeesho shan iyo toban gobol oo gobolada dalka ka mid ah sida uu dhigayo qaanuunku. Iyada oo murashaxa Khayrat shaadir isagana lagu sababeeyey in gudigu aqbali weydo murashaxnimadiisa isaga oo xidhnaa Bishii March ee 2011-kii , qaanuunka doorashooyinku uu ka sokeeyey xabsiga mudo lix sanadood ah laga soo bilaabo waqtiga xuquuqdiisii siyaasadeed dib loogu soo celiyey.
Waxa kale oo ka mid ah Ragga guddiga doorashooyinku ay diiday murashax-nimadiisa Murashax abu ismaaciil ,kaasi oo isna diidmadiisa ay gudigu u cuskatay iyada oo hooyadii ay jinsiyad maraykan ah haysatay, qaanuunka doorashooyinka madaxtinimadana uu dhigayo in muerashaxa u tartamayaa uu dhalasha ahaan ka soo jeedo Laba waalid oo masriyiin ah.Guddiga doorashooyinka ayaa waxa ay soo geba gebaynaysaa qabashada waraaqaha murashaxnimada doorashada madaxtinimada Maanta Duhirnimada,taasi oo aan la qaban doonin wax dalab murashax-nimo ah wixii ka danbeeya waqtigaas.
SLpost News/Hargeysa