Guddiga Covid-19 oo Deeq Gaadhaysa $840,000 kala wareegay Shirkadda Telesom

0

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Heer Qaran ee ka-hortagga Cudurka Covid-19, ayaa maanta shirkadda Telesom ka guddoomay Agabka ka-hortagga Cudurkan oo qiimaheedu gaadhayo $640,000 iyo $200,000 oo Lacag Kaash ah.

Shirkada Telesom ayaa qaadaanka ay kaga qeyb qaadanayso ka hortaga Xanuunka Covid19 ayey sheegeen inay 640,000.00(Lix boqol iyo afartan kun oo doollar) oo kamida lacagtaasi ay kusoo iibiyeen qalab, Sidoo kalena waxay Guddida ku wareejiyeen 200,000.00 (Laba boqol oo kun oo doollar) oo Jeeg ah ay ku wareejiyeen guddida.

Waxaana ka gudoomay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida ka hortaga Xanuunka Covid19 Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).