Guddi Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Gurmadka Abaaraha Oo Qaylo-dhaan u diray Muwadiniinta iyo Beesha Caalamka

0

Hargeysa, (SLpost)- Gudidii uu madaxweynuhu u magacaabay abaaraha dalka ka jira ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo hayโ€™adahaย  caalamiga in laga wada qayb qaato taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen

Gudidan oo ka kooban lix wasaaradood oo ay ka mid yihiin wasaaradaha beeraha, deegaanka, xanaanada xoolaha, caafimaadka, arimaha gudaha iyo qorshaynta ayaa waxa gudoomiye u ah madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mud, c/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici.

Gudidan oo shir jaraaโ€™id ku qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa ka waramay saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen qaar kamida gobolada dalka.

_DSC0008Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland sacad cali shireย  oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay dalka sanadkan ka dhacday abaar aad u darani.

Taas oo si wayn u saamaysay nolosha dadkaย  wasiir sacad cali shire ayaa ka dhawaajiyey in wadanka oo dhan ay abaari ka jirto balseย  ay ugu daran yihiin gobolada galbeedka Somaliland.

Gaara ahaan gobolada Salal, Awdal, gabiley iyo Maroodi-jeex taas oo saamaysay dad iyo xoolaba wasiirka ayaa ugu baaqay in cidkasta oo waxtari karta dadkaasi ay abaartu hayso ay wax soo taraan

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil saylici oo ah gudoomiyaha gudidan loo xilsaaray abaaraha dalka ka dhacay ayaa isna sheegay in sanadkan abaarta inagu dhacday aanay hore inoo soo marin marka la eego abaarihii hore ee la arki jiray mudane, Saylici ayaa intaa ku daray in ayย  si wayn u taabatay nolosha dadka iyo xoolahaba

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka waramay sida ay dawladu dhinaceeda uga jawaabtay abaarahaasi isagoo xusay in ay gobolada ay ugu daran tahay abaartu ee galbeedka ay gaadhsiiyeen booyado biyo ah.

Waxa kale oo uu balan qaaday in dawladu markasta ay doorkeeda ka ciyaari doonto wax gaadhsiinta gobolada ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa baaq u diray hayโ€™adaha caalamiga, qaadhaan bixiyayaasha, wadamada Somaliland taageera iyo ganacsatada dalka gud ahaanba In ay ka qayb qaataan taakulaynta dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.

Abaar baahsan ayaa sanadkan ka dhacdayย  guud ahaan wadanka gaar ahaan gobolada galbeedka Somaliland waxana taakulayntii ugu horaysay ee laga jawaabayo abaarahaasi diray xukuumada Somaliland iyada oo gobolada qaar gaadhsiisay booyado biyaha.