Hargeysa (SLpost)- Guddiga qaban-qaabada Xuska Sanad-guurada 22aad ee ka soo wareegtay Maalintii Dhidibbada dib loogu taagay Madaxbannaanida Somaliland, ayaa muwaadiniinta dalka ku hambalyeeyey Sida miisaanka leh ee ay ugu diyaar-garoobayaan Xuska 18 May oo muddo labada todobaad ahi ka hadhsan yihiin.
Guddida oo Madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku magacaabay ka hor intii aanu socdaalka dibadeed u bixin, ayaa shir-jaraaโid oo ay maanta ku qabteen sidoo kale shacabka ugu baaqay inay in ay si mug leh uga qayb-qaataan xuska maalintaas.
Guddoomiyaha Guddidan isla markaana ah Wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Md, Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo kulankoodaas ka hadlay, ayaa sheegay inay shacabka u gudbinayaan farriin la xidhiidha inay si weyn u muujiyaan qaranimadooda maalinta 18Ka May gudo iyo dibadba, waxaanu guddoomiyayaasha Gobollada iyo maayarrada degmooyinka dalka ujeediyey inay xoojiyaan amniga, isla markaana si weyn loo muujiyo bilicda magaalooyinka.
Dhanka kalena, kulankaas waa ka hadlay, wasiirka wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Mud Cabdillahi Jaamac Cismaan, Wasiirka Waxbarashada Marwo SamSam Cabdi Aadan,Wasiirka Wasaarada Wershadaha Md Cabdirisaaq Cali Cismaan, Maayarka Caasiimada Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada iyo Xubnaha kale ee Guddiga ka tirsan, kuwaas oo ugu baaqay dadweynaha ย inay si balaadhan uga qayb qaataan sannad-guurada xuska la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland, iyada oo dhanka kale ku ammaanay baaxadda diyaar-garowga ay dadku ilaa wakhtigan ku hawlan yihiin.
Guddididu waxa ay sidoo kale u jeediyeen Jaaliyadaha Somaliland ee dibadda ku dhaqan inay iska kaashadaan sidii ay ugu muujin lahaayeen cududdooda Qaranimada Somaliland, iyaga oo sheegay inay kala qayb qaadan doonaan wufuud golayaasha qaranka ka tirsan.
SOMALILANDPOST.NET