Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland oo kulan Xog-waraysi ah la yeeshay Maayarka Caasimadda Hargeysa

0

Hargeysa (SLpost – Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kulan xog-waraysi ah layee latay maayarka Caasimadda Hargeysa engineer Xuseen Maxamuud Jiciir halkaa soo ay kaga dhagaysteen xogo la xidhiidha xaalada Caasimadda Hargeysa.

Kulan guddidu la yeelatay maayarka oo hore dhawr jeer u baaqday ayaa maanta ay ka weydiiyeen su,aalo kooban dhinacayada bilicda magaalada isaga oo faah-faahin ka xibiyey suโ€™aalahaasi .

Maayarka oo ugu horeyn war bixiyey habka ay u shaqeeyaan dawladda hoose ee Hargeysa ,w axa uu sheegay in xilkan maayarnimo uu hayey muddo 1o sanno ah taas oo miisaaniyadda dawladda hoose ay ahayd ย todoba billion oo shinlinka Somaliland Sannadkii 2-aadna ay gaadhay 20 billion โ€œWaxaanu ugu imi mansabkan maayarnimo iyada oo dawladda hoose ay leedahayย  hal Computer taas oo aanu wax badan ka badelay ,waxa kale oo aanu mushaharo u qornay qaarka mid ah dadka danyarta ah waxaanu waxbarashada ka bixinaa shaqaalaha dawladda hoose qaar kuwaas oo dhigta jaamacadaha dalka โ€œayuu yidhi Maayar Jiciir.

SLpost News/Hargeysa