Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Qaranka Md Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari) ayaa u soo jeediyay Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasada inay u hoggaansamaan Xeerka anshaxa doorashada ee ay dhawaan saxeexeen waxaanu uga digay in aanay wax kaanbayn ah samayn ka hor muddada laysla qaatay.
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka oo u waramayay Wakaalada Wararka ee Solna, waxa uu tilmaamay sida ay hawsha qaban-qaabada doorashadu u socoto, isaga oo sheegay in barnaamijka Ololaha Doorashadu uu dalka ka bilaabmi doono 30-ka bisha October ee sannadkan 2012ka, waxaanu ka digay in wax olole ah la sameeyo muddada ka horaysa wakhtigaas, marka laga reebo, sida uu Gudoomiyuhu Xusay, Shirarka ay Ururadu iyo Xisbiyadu ku qabsadaan meelo u gaar ah.
Eng. Ciise Yuusuf waxa uu tilmaamay inay doorashadan ka qayb qaadan doonaan labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid iyo Ururada Waddani, Xaqsoor, Dalsan, Umadda iyo Rays oo si rasmi ah u soo dhamaystiray Shuruudihii ka qayb-galka doorashada goleyaasha deegaanka isla markaana si wada jir ah qallinka ugu wada duugay Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Doorashada (Code of Conduct).
Ugu dambayntii, waxa uu Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku sheegay inaanay jirin wax caqabad ah oo la soo dersay Guddi ahaan,wax walbana ay sidii loogu talo galay u socdaan.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net