Waxaa todobaadkii hore Beriga Magaalada London ka dhacay kulan uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu wehelinayo Wasiirkiisa Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar ay la yeesheen Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska, Haddaba kulankaasi waxaa hadal ka jeediyey Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, Maxamed Cabdilaahi wuxuu hadalkiisa ku sheegay in Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland guul weyn gaadhay tan iyo intii uu xilka hayey muddo imika ku siman sannad iyo bilo.
Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu ku tilmaamay dadka siyaasadiisa horumarinta ku sallaysan ka soo horjeeda “Wax-ma garato” isagoo faahfaahin ugu darray inay yahiin dad aan jeclayn waa sida uu yidhiye Horumarka Somaliland, Soomaalidu waxay tidhaahda “Baso waa Baso Si Kastood U Subagto”.
Dabcan Akhriste waa wax iska caadi ah oo aan ku cusbayn ra’yul caamka caafimaadka qaba in marka qofkii masuuliyadda la biday ay kalsoonidii shacabku ka lumayso isla markaana uu bedweyn dhex daabalanayo inuu ceebahiisa ku mooso dad kale, Waxaan weli isweydiinaya oo aan calaamatul su’aal weyn saaraya Dhakhtarnimad (Doctorate Grade) uu Maxamed Cabdilaahi Cumar Sheegto inay la mid tahay Dhado Roob Noqon Wayday.
Maxamed Cabdilaahi Cumar isagoo qiil u raadinaya siyaasaddiisa uu ku tilmaamay inay horumarka u horseedayso Somaliland wuxuu difaacay sida uu uga qayb gallo shirarka lagaga hadlaya Arrimaha Soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatay shirkii xagaagii sannadkani 2011-ka uu kaga qayb gallay magaalada yar ee Steyning ee West-sussux ee dalka ingiriiska, Kulankaasi oo loo qabtay Arrimaha Soomaaliya, Haddaba Anigoo ah Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba Ahna Muwaadin reer Somaliland ah oo degen dalka ingiriiska waxaan doonaya inaan halkani si weyn ugu lafa-guro kana hadlo ceebaha Wasiirku samaynayo ee aanu xita waji xishooda ka lahayn, Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu hadalkiisa ku sheegay inuu shirkaasi uga qayb gallay isagoo matalaya Somaliland sida dalalkii kale ee shirka ka qayb gallay sida Kenya, Uganda iyo Britain oo kale, isla markaana Somaliland ay masuuliyadi ka saarantahay arrimaha Soomaaliya, wasiirku sannad ku dhawaad weli wuxuu shacabkii Somaliland ee uu ku gafay ee weli isweydiinaya khaladka uu Wasiirku ka gallay intuu le’eka ugana fadhiyey sharaxaadu uu weli ku adkaysanaya inuu saxsana
Haddaba Soomaalidu waxay tidhaahda Beenaale markhaatigiisuu fogeeyaaye, Waxaan jecelahay in shirkaasi iyo siduu u dhacay iyo sidii Somaliland ay qayb uga ahayd Soomaaliya isla markaana uu shirkaasi u hadlaayey Somaliland oo Soomaaliya ka mid ah Wasiirka arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Oomaar ayaa waxaan marlabaad idiinku soo gudbinayna wabrixintani ee akhris wacan, warbixintani waa mid aan hore u diyaariyey dabcana aan doonayo inaan marlabaad idiin soo bandhigo
Kulankii WiltonPark Qaboobahii 2011
Qodobkaasi wuxuu si cad oo aan mugdi ku jirin u caddaynaya in Somaliland shirka ay uga qayb gashay iyadoo ah gobol ama qayb ka mid ah Soomaaliya waxaana qodobkaasi uu ina macno tusaysa in Somaliland, Puntland iyo Galmudug ay yahiin goobaha nabadda dalka Soomaaliya.
2. Wasiirku Wuxuu Sheegay Inuu Hadal Ka Jeediyey Shirkaasi
Akhristayaal inagoon meel kale caddayn uga raadin isla markaana aan mala´awaal kale doonin Warbixintii ugu danbaysay ee habeenkii xallay ahaa laga soo saaray Shirkaasi oo si cad u iftiiminaysa gebi ahaanba siduu shirku u dhacay, cidii ka hadashay, cidii faalo ku darsatay cidii doodda ka qayb gashay waxaa Warbixintu xustay in magacyadani oo keliya ahi ay hadleen
Maalintii 1-aad Ee Shirkaasi Isniin 07/02/2011
1. Waxaa Khudbadii ugu horaysay ee Furitaanka Shirka Furtay Gabadha magaceeda la yidhaahdo Camila Fenning oo ah Madaxa Barnaamijyada Doodaha ee xarunta Wil
ton Park
2. Mrs Sally Healy Oo ah Gabadh ka socotay Xarunta Cheltanham House isla markaana ah khabiirad aad ugu dhaw Arrimaha Soomaaliya
3 Mark Bowden Oo Ah Xidhiidhiyaha Barnaamijyada Gargaarka ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
4. Augustine Mahiga Oo ah wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
5.Maxamed Cabdilaahi Oomaar Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya
6.Professor Ken Menkhaus Oo Ah Gabadh Cilmiga Siyaasadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah ka barta Kuuliyadda Davidson ee ku taalla Gobolka Waqooyiga Carolina ee dalka maraykanka
7.Andre LeSage Oo Ah Xeeldheere Arrimaha Ammaanka Difaaca wax laga weydiiyo oo ka tirsan Mac-hadka Barashada Istaaratijiyada ee Jaamacadda Difaaca ee Magaalada Washington
Maalintii 2-aad ee Shirka
Ajandaha Shirku wuxuu Ahaa: Soomaaliya iyo Wakhtiga Fog Ama Soomaaliya iyo Qorshaha Fog
Waxaa Ka Hadlay
8.Jeremy Brickhill Oo Ah Khabiir Si Madax Banaan La Taliye U Ah
9.Susana Malcorra Oo Ah Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Goobaha
10. Kirsti Samuels Oo ah Qoraa isla markaana lafa gura isla markaana fallanqeeya arrimaha dhismaha qarran iyo qorshayaashooda
11. Pat Johnson Oo Ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Haayadda Nabadda Ee Soomaaliya (Interpeace)
Maalintii 3-aad Ahaydna Maalintii Ugu Danbaysay Ee Shirka
Wuxuu Ajandahah Shirku Ahaa In La Lafa Guro Qodobadii Xubnahaasi Ka Hadleen
Waxaa Maalintaasi ay xubnahu lafa gureen qodobadii laga hadlay, waxaana ugu danbayntii Maalintaasi khudbadii shirka lagu soo xidhay hadal ka jeediyey Augustina Mahiga oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya
Akhristayaal Intaasi Waa Xubnahii ka hadlay Shirka isweydiinta waxay tahay, isla markaana qumanayd inuu wasiirku ka hadlo Sababta magaciisa loogu xusi waayey Warbixinta Waxaa Warbixinta si cad ugu xusan magaca Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo shirka hadal ka jeediyey maalintii ugu horaysay isaguna ahaa keliya qofka Soomaali aha ama matalaayey Soomaaliya ee shirkaasi ka hadlay Qoraalkaasi oo aanu hore idiinku soo gudbinay isagoo ku xardhan Barnaamijka PD File halkani guji oo is bar bar dhig magacyadani iyo kuwa ku qoran Warqadaasi
http://www.farshaxan.com/
Haddaba Wasiirka sheegashadiisu Maxaynu u macnayn karna ma inaga waalan mise cadan ayaa laga heesaya.
Objectives:
-
To secure agreement on the long-term policy solutions and the framework required to effect real change in Somalia;
-
To identify helpful and unhelpful forms of international intervention and therefore to agree how the international community can best provide assistance;
-
To develop an action plan to implement the above, including strategic choices and means/methods of implementation.
-
To help Somalia move from a ‘country in crisis’ towards normalisation of the Somali ‘space’.
Turjumidda Ajandaha Shirka Oo Aynu Weedh Weedh U Turjamayno
Beesha Caalamku Waxay u baahantahay inay kala shaqayso Soomaalida sidii ay dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen Deganaansho isla markaana ay iskaga saari lahaayeen kuwa dhibaatada ku haya dadka Soomaalida, Khatarta Ammaan ee ka jirta Soomaaliya, gobolka iyo Caalamka oo dhan waa mid aan la dhayalsan karin oo sii soo kordhaysa, dhibaatooyinkaasi ammaan darro lama xallin karo ilaa aan la taaban oo aan la gorfayn waxaa u ah sabab ah gaar ahaana mushkiladdani aan xalka lahayn ee soo noq noqonaysa.
Ujeedada Shirkani oo ay fududaysay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Barwaaqo Sooranka ee dalka ingiriisku wuxuu ku saabsanyahay sidii dedaaladda caalamiga ah ee ku wajahan xalka Soomaaliya ay u noqon lahaayeen qaar midho dhala oo muddo badan waari kara hormoodna u noqon kara isbedel siyaasadeed oo la taaban karo kaasi oo jiri kara wakhti badan, fallanqaynta Kulankani wuxuu ku saabsanaan doona arrimaha siyaasadeed ee ugu muhiimsan iyo kala doorashada jihooyinka la raacaayo iyadoo la isku raaci doono tallaabada ugu weyn ee looga baahanyahay sidii Soomaaliya hore ugu socon lahayd iyo qaabkii arrintaasi loo heli lahaa, Waxaanu casharo ka baran doona meelaha kale ee deganaanshahu ka jiro sidii taasi loogu dabaqi lahaa dhisida qarrankii Soomaaliyeed, go´aanada natiijadda noqon doonaana waxay qorshe u noqon doonaan sidii ay uga caawin Soomaalida dedaal aan loo kala hadhin oo beesha caalamku ay ku kordhin doonto tallaabooyin kasta oo xal lagaga gaadhayo dhibta jirta.
Ujeedooyinka Shirka Turjumaad Afka Soomaaliga
-
Sidii Heshiis rasmi ah looga gaadhi lahaa xalka ku sallaysan siyaasad qoto dheer iyo iskaashi buuxda oo laga yeesho sidii isbedel dhab ah looga gaadhi lahaa dhibta soomaaliya
-
Sidii loo heli lahaa ee la loo xaqiijin lahaa faa´iidada iyo faa´iida darrada ay faragelinta Beesha Caalamku ku leedahay arrimaha Soomaalida iyo sidii meel la iskula dhigi lahaa sidii Beesha caalamku ay gacan wax ku ool ah u siin lahayd Soomaaliya
-
Sidii loo horumarin lahaa Qorshe wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo fulin lahaa qodobada kor ku xusan kuwaasi ay ku jirto kala doorashada istaratijayadeed iyo qaabkii iyo loo fulin lahaaba
-
Sidii Soomaalida gacan looga siin lahaa inay dalkooda ka saaran carqaladda iyo dhibta kuna hagaan dalkooda degenaansho iyo nabadgelyo Soomaalida dhex marta
Haddana Iyadoo Shirka Ujeedadiisa Qodobadii Aas Aasiga ahaa Ee Lagaga Dooday Lagu Fallanqaynaayo la sii wada Waxaa Warbixinta Lagu yidhi:
-
What do we envisage Somalia to look like in 2015 – what is our vision and that of Somalis?
-
What should happen after August 2011? Wh
at would the international community be unable to support? -
How could the Transitional Federal Institutions be held to account for the delivery of the transitional tasks by the international community and the Somali people?
-
How can the progress made in developing the Transitional Federal Institutions be protected beyond the transition?
-
How to ensure that the process of agreeing a Somali Constitution brings Somalis behind the peace process and brings in those not currently part of the TFIs?
Turjumaadda Qodobada Afka Soomaaliga
-
Maxaa Dhici Doona Ka Dib August 2011, Maxaanay Beesha Caalamku Awood U Lahayn Inay Wax Ka Qabato
-
Sidee Qodobadda Aas-aasiga u ah Qaab Dhismeedka sharciyeed looga dhigi lahaa qaar hanta oo soo jiita bulshada caalamka iyo Soomaalida laftigeeda
-
Sidee Qaabka Ku meel gaadhka ah iyo Xeerarka ku meel gaadhka ah looga dhigi lahaa qaar hanan kara oo jooga noqda
-
Sidii Loo Xaqiijin Lahaa ee la iskugu raaci lahaa in Dastuur dhab ah oo Soomaalida loo sameeyo ay noqoto natiijadda rasmiga ah ee ka danbaysa in lagu soo daro Hanaanka Federaalka qaybaha ka maqan oo ah dabcan (Somaliland puntland iyo Galmudug)
Haddaba Isweydiintu waxay tahay Faa´iidada inoogu jirta ma waxay tahay in aynu qayb ka noqono oo beesha caalamku aynu faan kaga helo inaynu nahay qayb ka mid ah Soomaaliya sida Puntland iyo Galmudug oo degenaansho haysta, miyaanay ka hor imanaynin Mawqifkii Qaranimad iyo Madax Banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee ahaa in aan la fadhiisan Goob Qaranimada Somaliland la mid tahay gobol sida Galmudug iyo Puntland, Ma Wasiirka ayaa hadalkiisu saxyahay mise tallow Warbixinta Shirka ka soo baxday. Waa Mid u taalla shacabka Somaliland Ee 1991-kii ku gaadhay Madax banaanidooda isla markaana 2001-dii %97 ugu codeeyey in Madax banaanida Somaliland ay ayidsanyahiin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu ku sheegay Hadalkiisa in Wasaaradiisu ay u madax banaantahay wixii waajib ah oo ay ka mid tahay in shirkani ay ka qayb gasho oo dabcana ah shir Somaliland mansab ahaan ay la mid ahayd Puntland iyo Galmudug, Wasiirku Miyuu iloobay Qodobka Dastuurka Somaliland ee u dhigan sidani Xubinta 3-aad Qodobka 94-aad faqradiisa 4-aad ee Dastuurka Somaliland oo si cad u iftiiminaysa Awoodda xubinta golaha wasiiradda ku jirta inaanay awood u lahayn wax ka baxsan axdiga qarranka qodobkaasi oo fasilan wuxuu u dhiganyahay sidani “Wasiirada ama Wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan tan Qaranka”.
Dabcan jawaabta su´aashaasi waa mid fudud, waana maya kama qayb geli karo Somaliland maaha xero digaag, waa qarran leh shuruuc u yaalla, wuxuu leeyahay Dastuur ay ummaddu u codaysay, waxaana qodobada dastuurku iftiiminaya in Haddiiba ay dhacayso in Soomaaliya oo ah dalkii ay midnimadu ma inaga dhexaysay wada hadal mar inoo furmaayo inay noqoto mid tallo qarran laga yeesho, tallada qarranka waxaa looga jeeda Xukuumadda, Baarlamaanka, Axsaabta, Ururada Bulshada ka dibna shacabka si dimuqraadi ah loogu soo bandhigo shacabkuna ay u cod qaadaan “constitutional Mandate”,.
Wasiirka Su’aalaha Inuu Ka Jawaabo U Baahan
- Inuu Soo Bandhigo Qaabkii Shirka Loogu Casuumay? Meeqaam Ahaan siduu sheegay waxaa loogu casuumay meeqaam la mid ah sida Ethiopia, Kenya iyo Yuganda? Inuu Wasiirku meelaha ka sheeg sheegto waxaanu uga qayb gallay sida dawladaha kale wax qiil noqonaya maaha waxay muujinaysa sidaanu Wasiirku xilkaba ugu qalmin ee uu weli usii dhego adagyahay
- Inuu Soo Bandhigo Faa’iidada Ugu Jirta Somaliland in aynu la meeqaam noqono Puntland iyo Galmudug?
- Wasiirku wuxuu sheegay inuu Khudbad ka jeediyey Shirka Maxaa loogu dari waayey magaciisa Minuteska shirka ka soo baxay (Key Note Speaker) marka laga reebo 11 magac ee kor ku xusan?
- Markuu Wasiirku leeyahay Faa’iido ayaa shirka inoogu jirta Muxuu U Jeeda, Haddiiba uu leeyahay Shirka Somaliland oo ah qarran la aqoonsanyahay sida Kenya iyo Ethiopi ayaanu uga qayb gallay waa inuu keeno oo reer Somaliland tuso caddayntii (official invitation letter) la mid ah in lagu casuumay Somaliland si la mid ah Ethiopia iyo Kenya?
- Waxaa Jira Shir kale oo Wasiirku uu gogol xaadhanayo isagoo ka indho adag sharciga iyo qanuunka Somaliland kaasi oo ka dhici doona Ingiriiska sannadka 2011.
Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)
Corporate Financial Advisor
Barclays Bank, London
Qoraaga Qoraalka Waxaa Lagala Xidhiidhi Kara
Facebook: http://www.facebook.com/
Twitter: # Mohamed Diridhaba Twitter
Master Of International Law- Coventry University, UK– Bachelor Degree of Science Preston University–Higher Diploma Of Journalism Cambridge Journalism School, Diploma of International and Islamic Banking– Institute of Islamic Banking and Insurance London…Diploma of Corporate Sales Coventry Business School.