Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ah oo u qabsoomay qaab Maqal iyo Muuqaal ah, waxa lagaga hadlay xaaladda dalka ee xilligan iyo saamaynta xannuunka Covid-19.
Fadhiga 58aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland, waxa lagaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa go’aankii hore loogu joojiyey ka-ganacsiga Badeecadda Qaadka ee laga keeno dalka Ethiopia iyo kor u qaadista dedaallada wacyigelineed ee Shacabka loogu sheegayo halista uu leeyahay Caabuqa Coronavirus.
Fadhiga Golaha wasiirrada oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, isla markaana Wasiirradu iyagoo xafiisyadooda ku sugan kaga qayb-galeen qaab Online ah, waxa lagaga hadlay Xanuunkan dunida saameeyey ee Covid 19, xoojinta goโaankii hore ee lagu joojiyey qaadka muddo kooban, sidii ay dalka u soo gaadhi lahaayeen daawooyinka iyo mucaawimooyinka Somaliland loogu talo-galay ee ay ku soo deeqayaan muwaadiniinta Somaliland ee hantida leh iyo dalalka daneeya Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dardar gelinta hannaanka wacyigelineed ee xanuunka safmareenka ah ee Covid-19.
Afhayeenka Madaxweynaha, ayaa kulanka kaddib faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey arrimaha lagaga hadlay shirka maanta Golaha Wasiirrada.
Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Afhayeenka Madaxweynaha.