Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada ee Somaliland, ayaa dood iyo falan-qeyn kaddib lagu ansixiyey odoroska miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2025-ka.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ajandihiisu ku koobnaa doodda, falan-qeynta iyo ansixinta Odoroska Miisaaniyadda Dowladda oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Miisaaniyadda Hayโaddaha Madaxa-bannaan, Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo Mashaariicda Qaadhaan Bixiyeyaasha.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayenka madaxtooyada Xuseen Deyr, madaxweyne Cirro ayaa faray masuuliyiinta hayโadaha kala duwan ee Dowladda inay Wasaaradda Maaliyada gacan ka siiyaan Ururinta Cashuuraha iyo Kobcinta dakhliga Dalka.
Waxa kale oo war-saxaafadeed lagu sheegay in madaxweynuhu ku war-geliyey hayโad kasta oo ka mid ah Hayโadaha qaabilsan Dakhli-qabashada ay si toosa Dakhliga ugu wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka.
Shirka Golaha Wasiirrada oo ay goob-joog ka ahaayeen 43 Xubnood, ayaa cod gacan-taag ah ku meel-mariyey Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka oo Goluhu u gudbin doono Golaha Wakiillada Somaliland.