Hargeysa, 28 January, 2012 (SLpost)- Xildhibaanada Golaha wakiilada ee JSL ayaa maanta gudagalay doodda Ajandaha kalfadhiga 17-aad ee Golaha wakiilada oo ka kooban 10 qodob kuwaas oo ay ku jiraan Mashaariic sharci oo ay ka mid tahay Ansixinta Miisaaniyda Qaranka ee 2012ka iyo arrimo kale.
Fadhiga Golaha ee maanta oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha wakilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xildhibaanadu dood ka dhiibteen Ajandaha horyaallaย ย waxayna codsadeen in Ajandaha lagu daro qodob ka hadlaya arrimaha siyaasadeed ee wadanku marayo iyo siyaasada arimaha debada.
Xildhibaanย Axmed Cabdi Jaamac (Kijaandhe) oo faahfaahiyey sida loogu baahan yahay in la dardar geliyo hawlaha shaqo ee Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in la soo horaysiiyo xeerarka dhamaystirmay & xeerka saxaafadda ee Somaliland.
Xidhibaanย Ibraahin Mahdi Buubaaย & Xildhibaanย Cali Xasan Maxamed โCali Mareexaanโย ayaa si adag ugu dooday in loo baahan yahay in marka hore uu goluhu isa saxo maadaama mudo hal todobaad ah ay shirarkoodii u furmi waayeen kooram laโaan waxaanu soo jeediyay in ajandaha lagu soo daro dib u eegis lagu sameeyo Xeer hoosaadka golaha wakiilada waxaa kale oo xildhibaanku dalbaday in golaha dib loogu soo celiyo xeerkii miisaaniyada qaranka
Xildhibaanย Saleebaan Cawed Cali Bukhaariย ayaa sheegay inuu boqolkiiba 80 uu taageersan yahay qaabka uu ajanduhu u yaalo waxaanu dalbaday in la soo horaysiiyo xeerka baananka .
Mudaneย ย Xamse Gaada-weyneย waxa uu si gaar ah ugu baaqay warbaahinta wadanka ee madaxa banaan inayย ย ku ekaadaan waxyaabaha xaqiiqda ah ee dhacdo maalmeedka ah, kana fogaadaan borobagaandada & waxyaabaha kala fogaynaya bulshada siina hurinaya colaadda taagan.
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net