Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta muddo-kordhin u sameeyey Golaha Wakiillada oo muddo-xileedkooda loo muddeeyey 12-ka bisha 12aad ee sannadkan
Golaha Guurtida ayaa fadhi ay maanta isugu yimaaddeen cod aqlabiyad ah ku goโaamiyey in muddo-kordhin loo sameeyey doorashada Golaha Wakiillada oo markii hore loo qorsheeyey inay qabsoonto bisha March ee sannadkan, waxaanay muddo-kordhin u sameeyey 9-bilood oo ka bilaabmaysa xilligii markii hore loo qorsheeyey qabsoomidda doorashooyinka.
Muddo-kordhinta maanta loo sameeyey Golaha Wakiillada oo 13-sanno kuraasida ku fadhiya, ayaa noqonaysa markii Shanaad ee muddo-xileedkooda loo kordhiyey tiraba dhowr jeer tan iyo markii la doortay Golahan sannadkii 2005-tii.