Bishan February, 17-keedi, golaha amaanku iyagoo xoojinaya qaraaradii 751 (1992) iyo 1907 (2009) eek u saabsanaa Soomaaliya iyo Eritariya ee lagu cadeeyey xubnaha iyo hayโadaha lagu soo rogay xanibaada socdaalka, hantidiisa la xanibayo, isla markaana lagu soo rogay cunoqabatayn xaga hubka ah sida ku cad farqada 1, 3 and 7 ee qaraarka Golaha Amaanka lambarkiisu yahayย 1844 (2008).
Farqada 1,3, iyo 7 ee qaraarkaa 1844 (2008) ayaa u qornaa sidan:
โGolaha Amaankuโฆ.
1. Waxuu goโaamiyey in dhamaan wadamada xubnaha ka ah ay ka qaadaan talaabooyinka ku haboon ka joojinta inay soo galaan, ama dhexmaraan xuduudahooda xubnaha lagu cadeeyey liiska hoose, isla markaana farqadani kuma qasbayo wadan inuu u diido muwaadiniintiisa gelitaanka xuduudkooda.;
3. Waxuu goโaamiyey in dhamaan wadamada xubnaha ka ah ay xanibaan dhaqaalaha, iyo hantiyaha kale ee xuduudahooda yaala, ee ay leeyahiin amaย maamulaan, si muuqata ama si qarsoon, xubnaha hoos ku qoran iyo hayโadahaa, guddidu tilmaameen, ama xubnaha iyo hayโadaha u shaqeynaya dartood, ama hayโadaha ay leeyahiin ama ay maamulaan, sida gudidu tilmaameen, isla markaana, guud ahaan wadamadu waa inay hubiyaan wax kastoo hanti ah, ama dhaqaale ee xubnahaasi leeyihiin inay isticmaalaan xubnahaasi ama dad kaloo iyaga ka wakiil ah oo xuduudahooda jooga, ama uga faaโiidaystaan xubnaha aiyo hayโadahaasi.
7. Waxay goโaamiyeen in dhamaan wadamada xubnaha ka ah ay talaabooyinka ku haboon ka qaadaan ka ilaalinta inay si muuqda ama qarsoodi ah u iibsadaan ama loogu wareejiyo hub iyo qalab ciidan, ama si muuq ama qarsoodi ah loogu fidiyo gargaar qalab, tababar, ama gargaar kaloo ay ka mid yihiin maalgashi, dilaalid ama halo kaloo dhaqaale, oo la xidhiidha dhaqdhaqaaq ciidan ama ka iibinta, wareejinta, samaynta, dayactirka, ama isticmaalka hubka iyo qalabka ciidanka xubnahaa iyo hayโadahaa lagu tilmaamay farqada 8aad, farqada 2 iyo 4aad ee qaraarka 1844 (2008).
Golaha Amaanku waxuu xoojinayaa qaraaradaย 751 (1992) and 1907 (2009) ee la xidhiidha Soomaaliya iyo Eritariya waanay sii jirayaan, waxaana lagu kordhiyey xubnaha iyo hayโadaha, ku tilmaaman, waxaana la tixgelin doonaa ka reebanaanta lagu tilmaamay farqada 2 iyo 4aad sida uu tilmaamayo waajibaadka guddidu, ee farqadaย 11 (e)ย ee qaraarka 1844 (2008).
Markii koowaad liiskan waxay goโaamiyeen guddiduย 12 April 2010.
Waxaanu si Taxane ah idinku soo gudbin doonaa, Haddii Eebbe Idmo, Magacyada Shakhsiyaadka iyo Hayโadaha Xannibaadaha lagu soo rogay kuwaas oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u cuskaday Qodobbo Caalami ah oo lagula dagaalamo Shakhsiyaadka iyo Hayโadaha lagu tuhmo ururrada Argagixisada ah.
La soco Qaybta Koowaad…………….