GOBOLKA HAWD: Guddida Doorashooyinka iyo Badhasaabka oo Socdaallo ku kala bixiyey Deegaamada Gobolka

0

Baligubadle (SLpost)- Gudoomiyaha Guddiga Komishanka Degmada Balli-gubadle Mud. Xuseen Xasan Muxumed oo ay weheliyaanย  Xoghayaha iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga ayaaย  maanta Kormeer ku soo maray Todoba iyo labaatanka Goobood ee Cod-bixintaย  u astaysan ee Gobolka Howd si ay u sii diyaariyaanย  ka hor inta aan la gaadhin waqtiga Doorshada Golayaasha degaanka ee foodda inagu soo haysa.

Guddoomiyahaย  iyo masuuliyiintaย  wehelisay ย  intii ay marayeenย  Goobahaasiย  oo ku kala yaala magaalooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Hawd, waxa ayย  kulamo la yeesheen dadweynaha Goobahaasi degan. Waxaanay u soo jeediyeenย  in ayย  ku dedaalaanย  sidii ay u xoojin lahaayeen amaanka., waxaanayย  uga xog-warameenย  ujeedada kormeerkooduย  la xiidhiidho oo ay sheegeen in uu ku salaysan yahay sidii ay u sii diyaarin lahaayeenย  goobaha u astaysan codayntaย ย  doorashooyinka iyo xog-ogolaan u noqoshada degaanadaย  gobolkaย  ee dad iyo duunyaba.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Sayla iyadoo ay wehelinayaan xoghayaha gobolka Maxamed Cali Bade iyo taliyah qaybta booliska Mahad Maxamed Shaqale iyadoo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho u kuurgalka Xaalada Amni iyo soo afjarid Khilaaf.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Maamulka Degmada iyo Qaybaha bulshada waxa uu booriyay inay ka taxadiraan wax kastoo khilaaf ku keenaya deegaanka degmada Sayla isagoo intaas ku daray in wixii la isla fahmi waayo ay maamul ahaan diyaar u yihiin inay wada hadal ku wada dhamaystaan.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd waxa uu kula dardaarmay qaybaha Bulshada iyo maamulka Degmadaasi inay xil iska saaraan sidii ay u soo bixin lahaayeen Wixii Cashuuro ah ee Xukuumada dhexe ku leedahay.

Dhinaca kale Maayar ku xigeenka Degmada Bali gubadleย ย  Cabdi Guray Iimaan Jaamac iyo Isu duwaha Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka Hawd Iid Ciise Aw Jaamac ayaa ka gudoomay qalab dhinaca Isboortiga ah Muwaadinad Khadra Yuusuf Cige oo ugu soo deeqday dhalinyarada ku hawlan mihnada ciyaaraha qalab wax badan ka taraya baahida dhinaca Ciyaaraha.

SOMALILANDPOST.NET