Suugaan GIIRYAALE By ht - February 24, 2014 0 FacebookTwitterPinterestWhatsAppTelegram Gabaygan waxa curiyay Siciid Maxamuud Gahayr….. Waa tix soo baxday 08/12/2011 oo garnaqsi, haddii lagu sheelo waa lagu is-sheegaa iyo is-barraxid ahayd… Kuna socota Md Ismaaciil Maxamuud Cakuush oo maamule ka ah dugsi uu hal-abuurkani ka ahaa macallin…… Waa kan gabaygii Giiryaale 1.Gaaddadada kumaan hayn beryahan, godolka maanseede 2. Eeggana dareen gaar ah baa, goortan ii yimiye 3. An gorfeeyo maantana tix gabay, layga go’i waaye 4. Ismaaciil gar culus baan haddeer, geedka soo dhigiye 5. Garyaqaanka Dool baa fasiri, gool an leeyahaye 6. Kasmaal galgaal-bixin halkii, uu ishkaal galo’e 7. Weelee adoo aan gilgilan, waa garsheeg mudane 8. Garmaqaate amintaan wajahay, gees xun baan maraye 9. Gurxankiisa waataan barteen, gaabshay hadalkiiye 10. Gaadiid tankiisuu rarmaa, gaadhi iyo doone 11. Gurracii liq wayn lagu dirqiyay, goosay oo qaraxye 12. Gaabane “cir soo laac” la yidhi, gaadhi kari waaye 13. Badda gooshka socodkaa qof ogi, uma galboodeene 14. Gal nimaan aqoon buu buu dilaa, geeriyaa darane 15. Aniguna gaddaasaan war li’i, kuugu soo galaye 16. Gudcuryahaw guluub naaqusaan, mooday laydh giga’e 17. Qorshahayga gaarka ah kolkaad, meelo kala geysay 18. Haddaan “giiji laba” jaalle idhi, waa gar iyo daw’e 19. Ballanqaadka gawda ah qacdaad, iga guddoomaysay 20. Geri iyo inaad Aar tahaan, mooday gacalloowe 21. Gafaniyo waxaad ehel tihiin, gaarjuf iyo biiqe 22. Gacan-yaraha aad sheegaysaan, deexna kaa gurine 23. Gacan-saydh haddaad diiddo waan, gami lahaa jiife 24. Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh 25. Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh 26. Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena 27. Cadawgaa gantaalliyo markuu, gulufyo heenseeyo 28. Gama looma seexdee hubkaa, lagu garaacaaye 29. Dhawaaq aan gudboonayn haddii, nacab ku geeraaro 30. Ama uu libtaadii god iyo, gebi ku tuuraayo 31. Gar Allee inaad “dooh” tidhaa, way gudboon tahaye 32. Intad iinta guudkaaga sudhan, igu gufaynayso 33. Gambo maad ka weydeen haddaad, goodhi furan layde 34. Adoo goobtan dhaafaa ka roon, gaadhna waad heliye 35. Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh 36. Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh 37. Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena 38. Aqoontaydu waxay gaadhay heer, aan gadmahayne 39. Googlaha xogtaydaa wax badan, lagu gorfeeyaaye 40. Imtixaannadaynaan gudbaa, goorta aan galo’e 41. Jaamici gaboobaan ku ahay, gabayo suugaane 42. Shaqadayda gelin maan maqnaan, waana guul kale’e 43. Ardaydaan gardaadshaa tacliin, waa gob soo koriye 44. Geedaha halkii saac leh baan, uga garaacaaye 45. Malab baan gasiin uga dhigaa, loo golmoon yahaye 46. Inta aan garaad kaabay baa, gaadhay kumannaane 47. Kutubkeenna goor hore cilmiga, Eebbe ugu gaaray 48. Gorfayn Saynis uu dhigay Quraan, waan gad-bixiyaaye 49. Golji body, guluumeryulas, guulletkiyo beerka 50. Girrigiyo hiddaa waalidkee, guurka lagu doono 51. Garka iyo wadnaa dhiigga haba, geeya unugeenna 52. Gol caloola, sambab giigsanoo, guraya neefteenna 53. Geedaha cuntada noo unkee, gaajo naga reeba 54. Bayloojka geestii la dayo, waan ku gaamuraye 55. Gudbintiyo odhaahdaan ku ahay, Gaarriyoo kale’e 56. Gad Hadraawi baan waano qaran, gole tilmaamaaye 57. Aqoontii Cadaad lagu galladay, goostay aayaha’e 58. Cawil Geeddi bay dhigay tacliin, aan gankay heline 59. Boobaa garaaboo yaqaan, geesigaan ahaye 60. Geeddiyo rafiiq baanu nahay, curiye Gaaxnuuge 61. Jamaal baa waxaan gudo ku qoray, buugag aan gudhine 62. Gaashaan Hal-doorkaan u ahay, goobo lays tebo’e 63. Guulluhu ninkii uu abyaan, gaabis lala simine 64. Guclo iyo haddii orod la rabo, geed –lab baan ahaye 65. Gammaan iyo baroor baan kornahay, gaaf-wareeg socode 66. Adigoo an ganac go’in haddaba, gaabso kuu bilane 67. Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh 68. Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh 69. Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena 70. Guruxyadu waxay fiiriyaan, waa hadh galabeede 71. Garbadiirba dhaayuhu u boge, galalacdeediiye 72. Waxse garan, ninkii geeddi furay, gubannadeediiye 73. Gibilkaagu waa kii waxgarad, guurtidoo kale’e 74. Gadhka iyo bidaartaa nin deyay, geesi kugu sheegye 75. Gunta hoosna, gabankaad bah tiin, garasho waydloowe 76. Inta ay “gob” kugu leeyihiin, way ku gawriciye 77. “Galool baad tay” ruuxii ku yidhi, geed-xun kuu qariye 78. Gumarta iyo Jiicaad guntii, gacal wadaagtaane 79. Gomoshaagu kaa dheer sidii, Gaal Islaam qaba’e 80. Guddoon baaqday baad soo ahayd, dhawr gu’ oo hore’e 81. Xilka guudka kuu saaran baa, goohay oo jabaye 82. Gaashaanle ruuxaan ahayn, guuto wuu hodiye 83. Gargaraaca maaddooyinkaad, guul ku dhalisaaye 84. Gamashiga inaad diin ku tahay, waa god waafaqa’e 85. Geeddiga halkaad joogtid baan, “guud mar” leeyahaye 86. Gadh-wadeenka uunkaan rabaa, samo-gardaadshaaye 87. Gasiinkayga Eebbaa xifdiyay, gaws wuxuu cuniye 88. Guunyana ma siisteen milgeha, goor kastooy tahaye 89. Gawaan-raac adoo aan i baran, haygu soo geline 90. Allaylehe gidaarkaad hirdiday, waa hal aad geyiye 91. Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh 92. Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh 93. Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena 94. Gorof caano buuxaan ninkii, gaawe igu soora 95. Gande iyo sidii boqorradaan, gacan salaamaaye 96. Gaadena il-dheer baan dayaa, kii i gaasira’e 97. Gefka iyo xumaantaad rabtaa, way gun dheer tahaye 98. Gudimuhu markay raawisaan, geed ma jarayaane 99. Geel uu dhallaan duubay baan, gaadhin reer kale’e 100. Gollidaan Arbaha wiiqi karin, giririf duullaane 101. Golxobtaada waan sii arkaa, “gaad” haddaad tidhiye 102. Guduudane sidiisii intaad, geliga meerayso 103. Inta aad gadaashayda guux, sibiq gunuusayso 104. Gabashada daciifka ah intaad, gudub qorshaynayso 105. Good iyo intaad qarin abees, ganaya waabayda 106. Car go’aa ka qaad xaajadaad, gibilka saarayso???????????? 107. Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh 108. Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh 109. Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena 110. Taariikhda guunka ah haddaan, gocasho faalleeyo 111. Wiilwaal tiraab laga guntaan, garabsan doonaaye 112. Gamaskiyo rasaastuba nin raga, gini ma yeelaane 113. Gafuurkoo la taagaa halyey, goof kumay ridine 114. Walaal iyo waxaa gaadha weedh, loo gar tiriyaaye 115. Gocondhadu waxay ii tartaa, guulo nololeede 116. Gujadiyo qaniinkaan i lurin, goorrin iyo feedhe 117. Dhimbiil aadmi tuuraan i gubin, gaasta qiiqa lehe 118. Haddii aad “gobtahanyee” is tidhi, goostay libintiiye 119. Adigoo geddii jiis libdhaan, geliyay diiwaane 120. Gibladayda inan giijiyaa, waa go’aan dhigane 121. Gondahayga adigoo qabsaday, guuli way imane 122. Guntintayda maan-gaab ma furo, gaagax ii filaye 123. Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh 124. Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh 125. Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena 126. Inkastuu gudgude hoorayaa, ciidda galacyeeyo 127. Gawaan aan tigaad saarin buu, Ganay tilmaamaaye 128. Waanadu dhegtii aanay gelin, guul-darraa badane 129. Gabaygana waxsheeg baan rabaa, inan ku gooyaaye 130. Awooddiisa ruuxoo gartaa, waa god naafaca’e 131. Marlay beentu way soo gudhaa, garashadaydiiye 132. Goortiyo ayaantaba runtaan, gooni kuu faraye 133. Gaanniga haddaad mooddo yaris, waad lug go’aysaaye 134. Qaraxyada adoon geysan karin, laysma gaasiro’e 135. Garoomada adoon loollan baran, looma gudo boode 136. Gacaltooyadaanan rabin, goorna wiilyahawe 137. Gabgablaha sidiisii ha noqon, gees walba u baydha Siciid Gahayr Hargeisa, Somaliland saedmgahair@hotmail.com