General Jidhif Oo Si Cilmiyaysan Uga Hadlay Khatarta Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka Carabtu Doonayo

0

(SL.Post) Muj. Maxamed Xasan Cabdilaahi Oo Ahaa Halgamayaashii ururkii SNM isla markaana ahย  Khabiir ku takhakhusay dhinaca militariga ayaa ka hadlay bixinta saldhiga militari ee xukuumada somaliland doonayso inay ka siisoย  magaalada xeebeeda Berbera wadanka carbeed ee isu taga emirateka carabta, waxaanu Muj. Maxamed Xasan C/laahi (jidhif)sheegay in aanay wax faa,iido ahi ugu jirin Somaliland inay bixiso Saldhig militari, isaga oo sidaa ku sheegay mar uu la hadlayay warbaahinta.

images

waxaana hadaladiisi ka mid ahaa: โ€œDagaalkiiย  labaadย  ee dunida ka dibย  waxay dawladaha aduunku u kala jabeen laba qaybood oo kala ahaa hanti wadaag iyo hanti goosi ,kaas oo wadan kastaa uu raacay xiligaa dhinaca uu u arkayay in ay maslaxadiisa tahay, inaga ka gobol ahaanย  xiligaa waxa raacay Maxamed Siyaad Bare oo qaatay dhinaca hanti wadaaga, waxaana uu saldhig militari magaalada Berbera ka siiyay quwadii Ruushka isaga oo markaas door bidayay maaliyad,dhinaca dhismaha ciidanka iyo sidoo kale isagoo ku ilaashanayay kursigiisa,ย  balse hadiiba ay timaado isku dhac ka yimaada labadan mabaadi ee ay kala qaateen dawladuhu ogowย  wixii khasaare iyo faa,ido ka yimaada waa in wadan kastaa ogaadaa in uu qayb ka yahay wixiiย  dhaca, tusaaale ahaan waqtigaas wadanka Kuuba waxa uu qaatay mabda,ii hantiwadaag, waxaanay bixisay saldhigii militari ee ugu waynaa oo ay yeeshaan wadanada qaatay mabda,a hanti wadaaga,xiligaas kuuba waxa ay lumisay xidhiidhka wadankii ugu waynaa ee ay jaarka ahaayeen oo ahaa dalwaynaha maraykanka.

Hadaba hadii aynu u soo noqono Somaliland oo ah wadan aan wax aqoonsi ah ka haysan dunida caalamka, kuna taala juquraafi ahaan meel starategy u ah wadamada bariga Africa, dhibaato intee leeg ayay ku keeni kartaa wadanada gobolka hadii saldhig militari lasiiyo Wadanka isku taga imaaraatka carabta? โ€ ilaa hada ma hayno waxa aynu ku baddalanano heshiiskan, runtiina waa la ogyahay inย  xiligan wadanada carbeed ka siraadan tahay qadiyad quwadeed oo ay ku hirdamayaan wadano carbeed oo salka ku haysa dagaalada ka socda dalka Yemen, Markaa aniga ilamaย  aha in wax somaliland halkaaย  u yaalaa jiro, waayo dhibta ka imanasa ayaa ka wayn ta ay xukuumadu ku galaso heshiiskan ayuu yidhi Muj. Jidhif.

Muj. Maxamed Xasan C/laahi (jidhif)ย  mar uu ka hadlayay dhinaca cadaawada jaarnimo ee ka dhalan karta basekan militariga ee xukuumadu ka siinayso magaalada Berbera Wadankaย  isku taga Emiraateka carabta waxaa uu yidhi โ€œMa laga yaabaa in saldhigaasi ina dhaxalsiiyo inay Somaliland ku Waydo Wadanka aynu Jaarka nahay ee Ethiopia Oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo ruux , cilaaqaad iyo dano badanina inaga dhexeeyaan isla markaasna aanay isku fiicnayn wadamada carabta, waxay anigaย  ila tahay inay xukuumadu ka fiirsato cawaaqibka ay keeni karto bixinta saldhigaasi waxaana taa ku taageersan ahay aragtidii uu ka qaatayย  Muj. Ibraahin Dhagaywayne iyo aragtida ay ka qaaddan doonaan bulshada reer saaxil,โ€ ayuu yidhi muj jidhif

Isagoo hadalkiisa siiwatana wuxu yidhi โ€œUgu danbayntii waxa aanย  xukuumada u soo jeedinayaa in si xeeldheer oo lexejeclo ku jirtoย  uga fiirsato cawaaqibka uu Somaliland ku keeni karo saldhigaas militariโ€.

Gabogabadiiย  waxa uu Muj. Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) uga baryay Umada Reer Somaliland inย  Ilaahay abaaraha ka soo jabiyo oo uu barwaqo ugu badalo xaaladan.

 

Somalilandpost.net