Magacaygu waa Maxamuud Saleebaanย X,ย Ducaale (Afweyne) oo loo yaqaano maxamuud (FEBRAAYO).
Waxaan ku dhashay tuulada Yufle oo 28 km dhanka W/galbeed kaga beegan degmada Ceerigaabo.ย Waxaan waqtigan wax ka bartaa dugsiga sare Blooming Secondary School ee magaalada Hargeysa.
Maansadan waxaan sameeyey (curiyey)ย 18 May 2013 waxayna la hadlaysaa dadka dalkan Somaliland.
Waxa igu kalifay in aan waqtigan curiyo maansadan madaxda ugu sarreysa dawlada federaalka Soomaaliya oo hadaloย wax yeelaayaย nabad ku-wada noolaashaha dadka ku nool Geeska Afrika ku daan-daansanaya dadka reer Somaliland, kuwaas oo ka hor imanaya wadahadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya.
Waxaan ku bilaabay,
Arday garasho dheerow
Geedkii baxaayow
Gobkii soo magoollow
Guulwade aqoonlow
Geenyadii jaraysaye
Ha gocanin wax kaa tegay
Gudub oo horruu soco
Samahana ha gees marin
Xaqa garabka saaroo
Guulayso weligaa
Ha godoomoin abidkaa
Nasiibkaa ma gaagaxo
Guri lagu negaadiyo
Geyigaagu waa nabad
Waa goob barwaaqo ah
Gobonimo god loo galay
Qarankaagu waa guun
Gashaankii cadceediyo
Waa damal gundheeroo
Ruux godin ku weeraray
Abidkii ma goyn karo
Gows jirid ma jarikaro
Geed sooma ridi karo
Afkuun baa gunuusee
Hadal gebi ma dumin karo
Gardarada is daba taal
Guux iyo gariirada
Gefka hadal odhaahyada
Horay ugu garwaayeenoo
Gool baad ka dhalisee
Garnaqsiga ka doorbida
Garaadkii wanaagsani
Garashuu ku hodon yahay
Allaa garab ku siiyee
Gurta midhaha guudkoo
Guta waajibkiinoo
Guulihiin u mahad naqa
Isagaa gargaaree
Gefka iyo dhibaatada
Ka gaabsada xumaatada
Garanuugta roortee
Gaashaanka sidata
Orod laguma gaadhee
Maddaxweyne geesiya
Garyaqaan siyaasiya
Guud cadaa aqoon yahan
Garashada ku hodonaa
Geyigeena maamula
Guuguulaha ciyaayaa
Waran kuu ganaayiyo
Leebkuu godaayaa
Yuu ku gelin guhaadow
Gooni qarana baad tahay
Lixda gobol waqooyiga
Golayaal is maamulay
Talladoodu gaar tahay
Guul shacabku keensaday
Goysatee horuu soco
Iska ilaali guumaha
Gadaalaba wixii jira
Geed qudha ahaada
Gundhigoodu qaran iyo
Midnimo aan gaboobayn
Yahay mowqifkaa goan
Go,aankiin ku meel mara
Gulufkiyo colaadaha
Guutada awaaraha
Goobaha dagaalada
Horaad ugu galgalatoo
Geesi baad ku noqotee
Garnaqsiga ka doorbida
Garaadkii wanaagsani
Garashuu ku hodon yahay
Allaa garab ku siiyee
Gurta midhaha guudkoo
Guta waajibkiinoo
Guulihiin u mahad naqa
Isagaa gargaaree
Gefka iyo dhibaatada
Ka gaabsada xumaatada
Gobonimadu yay jabin
Taariikh gundheer iyo
Madhac aan god dhigateen
Gaax raagtey weeyee
Aduunyada la garbsada
Girif girif haday tami
Geel nin laa u dhiidhiya
Cududaha gamuurani
Gaashaan dhigeeniyo
Goodir bay ku yaalaan
Abwaan gaydhanaayiyo
Aqoon yahanka gaadhka ah
Gaban maayo ardaygu
Haday gacani maqan tahay
Haweenkoo gedoodana
Waa ged lagu yaqaanee
Dhiiri gelinta geesiga
Guntigay u soo xidhi
Shuuliyada gacmahaiyo
Silis qoorta guud sudhan
Kuwa dhegaa u gaarka ah
Dahabkooda way gadi
Gadh cadaaga taliyaa
Gama kama ledaayee
Gogoshuu ka soo kici
Gelgelinta dagaalada
Gudcurkiyo qadoodiga
Horaad ugu gabowdoo
Guul baad ku hanatee
Garnaqsiga ka door bida
Garaadkii wanaagsani
Garashuu ku hodon yahay
Allaa garab ku siiyee
Gurta midhaha guudkoo
Guta waajibkiinoo
Guulihiin u mahadnaqa
Isagaa gargaaree
Gefka iyo dhibaatada
Ka gaabsada xumaatada
Inagoo guyaal badan
Geela nabad ku maaloo
Guryo samo ku noolayn
Geyigeena dooga ah
Weli dunidu may garan
Waxa loo golleeyahay
Garaadkii wuxuu yidhi
Gaadaa shabeeliyo
Gocondhaa ku sudhanoo
Giriigiyo shisheeyuhu
Kuma gar waaqsanaayaan
Ha ka noqon go,aankaa
Samir niyada geliyoo
Gaashaamo keligaa
Guyaal dambe aqoonsiga
Waad gaadhiย doontaa
Nimaan geyiga kula deign
Nimaan geela kula dhicin
Nimaan geeri kula tegin
Gumaadkii dadkaagiyo
Garanmaayo waagii
Gantaalkii kugu habsaday
Gorgorkii guhaadow
Guudkaaga ku cartamay
Cadho kugu gadhoodhiyo
Galliilyada ilkaha
Gowsaha is dhaafsiga
Horaad giir u kicisoo
Geel baad ku maashee
Garnaqsiga ka door bida
Garaadkii wanaagsani
Garashuu ku hodon yahay
Allaa garab ku siiyee
Gurta midhaha guudkoo
Guta waajibkiinoo
Guulihiin u mahadnaqa
Isagaa gargaaree
Gefka iyo dhibaatada
Ka gaabsada xumaatada