Hargeysa (SLpost)- Guddi Golaha Guurtidu u xil-saaray dhex-dhexaadinta Khilaaf Golaha Wakiillada ka soo laba-kacleeyey Sabtidii toddobaadkii hore, ayaa shalay Sabtidii soo saaray goโaamo ay sheegeen inay ku soo afjarayaan Khilaafkaas, isla markaana gaadheen markii ay dhagaysteen dacwadda iyo doodda labada dhinac ee Wakiillada Khilaafku u qaybiyey ee Mucaaradka iyo Muxaafidka.
Waxaana goโaammadan soo dhaweeyey Shir-guddoonka labada dhinac ee Khilaafka kala hoggaaminayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, waxaanay sheegeen inay soo dhaweeyeen oo ay aqbaleen goโaammada Guurtida.
Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay inaanay Guddiga Guurtidu xalinta khilaafka jira u marin dariiqa sharciga ah balse ay tahay Xal ay khasab tahay in la qaato oo dhinaca danta Qaranka iyo ilaalinta midnimada Somaliland laga door-biday.
HALKAN KA DAAWO GUDDOOMIYE BAASHE MAXAMED FAARAX