
Gabaygan magaciisu yahay Gabbal-dhacay waxa curiyay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq), wuxuu soo baxay 05/10/2012-ka. Waa gabay baroor-diiq u ah Gabyaagii, Halgamaagii, Barihii Sare, Mufakarkii iyo Abwaankii Weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Alle ha u naxariistoβe. Waa tix xusaysa kaalintii Marxuum Gaarriye iyo mahadhada uu ifka kaga tegay, sidoo kalena Alle uga baryaysa inuu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo.
Β Waa kuwan meerisyadii gabayga Gabbal-dhacay:
Warka xumi ma gaabshoo dabayl, gaaru leeyahaye
Gabbood kuma negaado habeen, guula sugi waaye
Gudguduudka waaguu guryaha, noogu soo galaye
Gelin buu ku gaadhoo dadkii, wada galiilyawye
Geeridu xaq weeyee mid baa, lala gariiraaye
Gocashiyo xanuun bay midkeed, gaar u leedahaye
Naxdin iyo gujaa laga dhaxlaa, tii halyeey goβoe
Fiinta gii leh, tiiraanyo gooh, galawga wiiwii leh
Dhiilladu si gooniya hadday, godoshay laabtayda
Goβ haddaan hagoogtiyo haddaan, keligay goobyaalay
Qalbigay gobtahanyoonayiyo, murugaday gaadhay
Madaxay gadaadiyo ilmaday, gabaxli waa dawβe
Jidhku ima gigleeyeen ishuna, may galgalateene
Naftay garab laβaantay ogtahay, diidday gamaβiiye
Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye
Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye
Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye
Gidaarkiyo albaabkays ballaqay, waa mid geydh badane
Geestuu ku beegnaa qayood bayga, soo galaye
Halkuu ku gudbanaa baa i goβan,. Geesigaa tebaye
Lammuun garasho dheer buu ahaa, gaadh-hayii qarane
Guurti iyo wax-garad buu ahaa, geed-ka-taliyiiye
Gudbiyaha tacliintuu ahaa, geeddi-geliyiiye
Durdur aan goβayn buu ahaa, ceel gannuun adage
Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye
Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye
Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye
Garab jabay aqoontuu ku yahay, gudashadeediiye
Geed qarqoormay murtidii ku yahay, gogol-dhiggeediiye
Gudhayuu runtii iyo ku yahay, garashadeediiye
Goblin buu afkii iyo ku yahay, dhaqanki gaadhnaaye
Gabayoox bannaan buu ku yahay, guurtidoo kaleβe
Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye
Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye
Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye
Talo-gooste, hoggaankii gurracan, wuu gujayn jiraye
Goobaha naf-waaguu ahaa, bir iyo gaashaane
Ma-gabbade halyeeyuu ahaa, guusha raadsadaβe
Gadoodkii Siyaad iyo ma biqin, weerar-geliddiiye
Gulufkii sokeeyaha markuu, gobolku qiiqaayay
Haye-Bari gariirkii ka dhacay, wuu dhex gololnaaye
Gubashadii Hargeysiyo Berbera, gaabis muu noqone
Goβuu xooray, murtibuu godlay, tix iyo geeraare
Gabaygiyo dhawaaquu hinqaday, galawgu dhiillooye
Gardarruu necbaa iyo gefkiyo, gaada beenlahaβe
Gedaafada xigaalkuu ahaa, gaadhka caabbiyaβe
Garta eexo, goobna laguma xaman, Gaarriyoo falaye
Gadh-hayeenka nabadduu ahaa, geed hadh loo dayoβe
Gees kastoo la eegaba ifkaa, guulo loo qiraye
Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye
Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye
Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye
Ma gedmanayo liibaan qofkaad, ugu gargaartaaye
Godka iyo suβaalaha dhexyaal, iilka gudihiisa
Garansii jawaabaha Rabbow, yaanu gees-marine
Allahayow jannada gee bulshada, guday xilkeediiye
Aamiin, Aamiin, Aamiin
Dhammaad
Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq)
Tell:Β 4194095Β TELESOM, 9133446 SOMTEL
Tebinta iyo Tifatirka
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)