GIIRYAALE

Weli kala rayi ma noqoteen maamul gacanta ku haya goob aad ka shaqayso? Ma isku fahmi weydeen arrimo aad ku kala aragti duwan tihiin? Ma bilaabay in uu afka buuro, salaanta waajibka ahna kula dhaafo? Adigoo shaqadaadii si habsmi ah u gudanaya, ma ka war heshay in booskaagii loo raadinayo cid kale, lana faafiyay dacaayad ah inaad kaalintaadii gabtay? Ma laguu raadiyay iin aanad lahayn?. Amakaag iyo yaab ma deris teen? Haddii lagu sheelo waa la is-sheegaaye, ma is-bartay qofkii madawgu kaa galay? Intaad ciil dibinta cuni lahaydna, ma ku garnaqsatay tix gabay, oo sababtay in shaqada lagaa joojiyo?
Intaasba waan la kulmay. Waana ta keentay gabaygan Giiryaale, ee uu meeriska ciwaanka ahina ka mid yahay, oo soo baxay 08/Dec/2011-ka, waxaana allifaySiciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi). Waa gabay uu kula garnaqsanayo nin la yidhaahdoย Ismaaciil Maxamuud Cakuush, oo ah Maamulaha Dugsiga Sare ee Nuuradiin oo uu Siciid ka shaqayn jiray sannadkii hore ee 2011-ka, oo ku kacay falal hoggaanka dugsi ka reebban, isaga oo ku cadgoosanaya awood maamul oo uu gacanta ku hayo.
Waa gabay jawaab u ah dhaqanka uu Ismaaciil Maxamuud Cakuush sameeyay. Gabaygani waa fal-celin u dhiganta mansabka xileed ee uu ninkaasi hayay. Labadaas qof ee is-qabtay ka ah dhibbane, bulshada ayaa ka garsoori doonta. Micnaha uu xambaarsan yahay Gabaygan Giiryaale waxa aad ka fahmi doontaan meerisyadiisa.
Waa kan gabaygii Giiryaale
1.ย ย ย ย ย ย Gaaddadada kumaan hayn beryahan, godolka maanseede
2.ย ย ย ย ย ย Eeggana dareen gaar ah baa, goortan ii yimiye
3.ย ย ย ย ย ย An gorfeeyo maantana tix gabay, layga goโi waaye
4.ย ย ย ย ย ย Ismaaciil gar culus baan haddeer, geedka soo dhigiye
5.ย ย ย ย ย ย Garyaqaanka Dool baa fasiri, gool an leeyahaye
6.ย ย ย ย ย ย Kasmaal galgaal-bixin halkii, uu ishkaal galoโe
7.ย ย ย ย ย ย Weelee adoo aan gilgilan, waa garsheeg mudane
8.ย ย ย ย ย ย Garmaqaate amintaan wajahay, gees xun baan maraye
9.ย ย ย ย ย ย Gurxankiisa waataan barteen, gaabshay hadalkiiye
10.ย ย Gaadiid tankiisuu rarmaa, gaadhi iyo doone
11.ย ย Gurracii liq wayn lagu dirqiyay, goosay oo qaraxye
12.ย ย Gaabane โcir soo laacโ la yidhi, gaadhi kari waaye
13.ย ย Badda gooshka socodkaa qof ogi, uma galboodeene
14.ย ย Gal nimaan aqoon buu buu dilaa, geeriyaa darane
15.ย ย Aniguna gaddaasaan war liโi, kuugu soo galaye
16.ย ย Gudcuryahaw guluub naaqusaan, mooday laydh gigaโe
17.ย ย Qorshahayga gaarka ah kolkaad, meelo kala geysay
18.ย ย Haddaan โgiiji labaโ jaalle idhi, waa gar iyo dawโe
19.ย ย Ballanqaadka gawda ah qacdaad, iga guddoomaysay
20.ย ย Geri iyo inaad Aar tahaan, mooday gacalloowe
21.ย ย Gafaniyo waxaad ehel tihiin, gaarjuf iyo biiqe
22.ย ย Gacan-yaraha aad sheegaysaan, deexna kaa gurine
23.ย ย Gacan-saydh haddaad diiddo waan, gami lahaa jiife
24.ย ย Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh
25.ย ย Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh
26.ย ย Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena
27.ย ย Cadawgaa gantaalliyo markuu, gulufyo heenseeyo
28.ย ย Gama looma seexdee hubkaa, lagu garaacaaye
29.ย ย Dhawaaq aan gudboonayn haddii, nacab ku geeraaro
30.ย ย Ama uu libtaadii god iyo, gebi ku tuuraayo
31.ย ย Gar Allee inaad โdoohโ tidhaa, way gudboon tahaye
32.ย ย Intad iinta guudkaaga sudhan, igu gufaynayso
33.ย ย Gambo maad ka weydeen haddaad, goodhi furan layde
34.ย ย Adoo goobtan dhaafaa ka roon, gaadhna waad heliye
35.ย ย Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh
36.ย ย Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh
37.ย ย Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena
38.ย ย Aqoontaydu waxay gaadhay heer, aan gadmahayne
39.ย ย Googlaha xogtaydaa wax badan, lagu gorfeeyaaye
40.ย ย Imtixaannadaynaan gudbaa, goorta aan galoโe
41.ย ย Jaamici gaboobaan ku ahay, gabayo suugaane
42.ย ย Shaqadayda gelin maan maqnaan, waana guul kaleโe
43.ย ย Ardaydaan gardaadshaa tacliin, waa gob soo koriye
44.ย ย Geedaha halkii saac leh baan, uga garaacaaye
45.ย ย Malab baan gasiin uga dhigaa, loo golmoon yahaye
46.ย ย Inta aan garaad kaabay baa, gaadhay kumannaane
47.ย ย Kutubkeenna goor hore cilmiga, Eebbe ugu gaaray
48.ย ย Gorfayn Saynis uu dhigay Quraan, waan gad-bixiyaaye
49.ย ย Golji body, guluumeryulas, guulletkiyo beerka
50.ย ย Girrigiyo hiddaa waalidkee, guurka lagu doono
51.ย ย Garka iyo wadnaa dhiigga haba, geeya unugeenna
52.ย ย Gol caloola, sambab giigsanoo, guraya neefteenna
53.ย ย Geedaha cuntada noo unkee, gaajo naga reeba
54.ย ย Bayloojka geestii la dayo, waan ku gaamuraye
55.ย ย Gudbintiyo odhaahdaan ku ahay, Gaarriyoo kaleโe
56.ย ย Gad Hadraawi baan waano qaran, gole tilmaamaaye
57.ย ย Aqoontii Cadaad lagu galladay, goostay aayahaโe
58.ย ย Cawil Geeddi bay dhigay tacliin, aan gankay heline
59.ย ย Boobaa garaaboo yaqaan, geesigaan ahaye
60.ย ย Geeddiyo rafiiq baanu nahay, curiye Gaaxnuuge
61.ย ย Jamaal baa waxaan gudo ku qoray, buugag aan gudhine
62.ย ย Gaashaan Hal-doorkaan u ahay, goobo lays teboโe
63.ย ย Guulluhu ninkii uu abyaan, gaabis lala simine
64.ย ย Guclo iyo haddii orod la rabo, geed โlab baan ahaye
65.ย ย Gammaan iyo baroor baan kornahay, gaaf-wareeg socode
66.ย ย Adigoo an ganac goโin haddaba, gaabso kuu bilane
67.ย ย Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh
68.ย ย Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh
69.ย ย Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena
70.ย ย Guruxyadu waxay fiiriyaan, waa hadh galabeede
71.ย ย Garbadiirba dhaayuhu u boge, galalacdeediiye
72.ย ย Waxse garan, ninkii geeddi furay, gubannadeediiye
73.ย ย Gibilkaagu waa kii waxgarad, guurtidoo kaleโe
74.ย ย Gadhka iyo bidaartaa nin deyay, geesi kugu sheegye
75.ย ย Gunta hoosna, gabankaad bah tiin, garasho waydloowe
76.ย ย Inta ay โgobโ kugu leeyihiin, way ku gawriciye
77.ย ย โGalool baad tayโ ruuxii ku yidhi, geed-xun kuu qariye
78.ย ย Gumarta iyo Jiicaad guntii, gacal wadaagtaane
79.ย ย Gomoshaagu kaa dheer sidii, Gaal Islaam qabaโe
80.ย ย Guddoon baaqday baad soo ahayd, dhawr guโ oo horeโe
81.ย ย Xilka guudka kuu saaran baa, goohay oo jabaye
82.ย ย Gaashaanle ruuxaan ahayn, guuto wuu hodiye
83.ย ย Gargaraaca maaddooyinkaad, guul ku dhalisaaye
84.ย ย Gamashiga inaad diin ku tahay, waa god waafaqaโe
85.ย ย Geeddiga halkaad joogtid baan, โguud marโ leeyahaye
86.ย ย Gadh-wadeenka uunkaan rabaa, samo-gardaadshaaye
87.ย ย Gasiinkayga Eebbaa xifdiyay, gaws wuxuu cuniye
88.ย ย Guunyana ma siisteen milgeha, goor kastooy tahaye
89.ย ย Gawaan-raac adoo aan i baran, haygu soo geline
90.ย ย Allaylehe gidaarkaad hirdiday, waa hal aad geyiye
91.ย ย Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh
92.ย ย Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh
93.ย ย Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena
94.ย ย Gorof caano buuxaan ninkii, gaawe igu soora
95.ย ย Gande iyo sidii boqorradaan, gacan salaamaaye
96.ย ย Gaadena il-dheer baan dayaa, kii i gaasiraโe
97.ย ย Gefka iyo xumaantaad rabtaa, way gun dheer tahaye
98.ย ย Gudimuhu markay raawisaan, geed ma jarayaane
99.ย ย Geel uu dhallaan duubay baan, gaadhin reer kaleโe
100. ย Gollidaan Arbaha wiiqi karin, giririf duullaane
101. ย Golxobtaada waan sii arkaa, โgaadโ haddaad tidhiye
102. ย Guduudane sidiisii intaad, geliga meerayso
103. ย Inta aad gadaashayda guux, sibiq gunuusayso
104. ย Gabashada daciifka ah intaad, gudub qorshaynayso
105. ย Good iyo intaad qarin abees, ganaya waabayda
106. ย Car goโaa ka qaad xaajadaad, gibilka saarayso????????????
107. ย Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh
108. ย Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh
109. ย Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena
110. ย Taariikhda guunka ah haddaan, gocasho faalleeyo
111. ย Wiilwaal tiraab laga guntaan, garabsan doonaaye
112. ย Gamaskiyo rasaastuba nin raga, gini ma yeelaane
113. ย Gafuurkoo la taagaa halyey, goof kumay ridine
114. ย Walaal iyo waxaa gaadha weedh, loo gar tiriyaaye
115. ย Gocondhadu waxay ii tartaa, guulo nololeede
116. ย Gujadiyo qaniinkaan i lurin, goorrin iyo feedhe
117. ย Dhimbiil aadmi tuuraan i gubin, gaasta qiiqa lehe
118. ย Haddii aad โgobtahanyeeโ is tidhi, goostay libintiiye
119. ย Adigoo geddii jiis libdhaan, geliyay diiwaane
120. ย Gibladayda inan giijiyaa, waa goโaan dhigane
121. ย ย Gondahayga adigoo qabsaday, guuli way imane
122. ย ย Guntintayda maan-gaab ma furo, gaagax ii filaye
123. ย ย Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh
124. ย ย Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh
125. ย Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena
126. ย Inkastuu gudgude hoorayaa, ciidda galacyeeyo
127. ย Gawaan aan tigaad saarin buu, Ganay tilmaamaaye
128. ย Waanadu dhegtii aanay gelin, guul-darraa badane
129. ย ย Gabaygana waxsheeg baan rabaa, inan ku gooyaaye
130. ย Awooddiisa ruuxoo gartaa, waa god naafacaโe
131. ย Marlay beentu way soo gudhaa, garashadaydiiye
132. ย Goortiyo ayaantaba runtaan, gooni kuu faraye
133. ย Gaanniga haddaad mooddo yaris, waad lug goโaysaaye
134. ย Qaraxyada adoon geysan karin, laysma gaasiroโe
135. ย Garoomada adoon loollan baran, looma gudo boode
136. ย Gacaltooyadaanan rabin, goorna wiilyahawe
137. ย Gabgablaha sidiisii ha noqon, gees walba u baydha
Siciid Gahayr
Hargeisa, Somaliland