Falastiini Gaadhi Nafta Kaga Jaray Nin Yuhuudi ah

0

 

Qudus (SLpost)- Nin u dhashay dalka Falastiin, ayaa taayirka baabuur weyn oo kuwa xamuulka ah u adeegsaday inuu qudha kaga jaro nin Yuhuudi ah, iyadoo falkaasina ka dhacay xero qaxooti u dhaw magaalada Hebron ee Daanta Galbeed shalay.
Sida ka muuqata sawirro dhacdadaas laga qaaday oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ooย Maankaabย soo xigtay, Falastiiniga oo aan ilaa hadda la aqoonsan, ayaa la sheegay inuu isku dayey sidii uu baabuurkiisa u jiidhsiin lahaa gaadiid kala duwan oo waddada marayey, balse ninka Israaโ€™iiliga ah ayaa ka soo degay gaadhi uu la socday, isagoo horjoogsaday Falastiiniga, kaasoo isna markiiba taayirka mariyey, halkaasna ku dilay Yuhuudiga.

 

Haseyeeshee, sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka ee Falastiin, ayaa sheegay in ninka darawalka ah si shil ah u jiidhay Yuhuudiga, laakiin aannu si badheedh ah ugu talogelin falkaas dilka ah, laakiin dawladda Israaโ€™iil, ayaa rumaysan in falkaas baabuurku ahaa mid loogu talogalay in lagu waxyeelleeyo dadka Yuhuudda, qaybna ka yahay falalka Falastiiniyiintu ku beegsanayaan Israaโ€™iiliyiinta, una adeegsanayaan dhagxaanta, mindiyaha iyo baabuur-jiidhsiinta, kuwaasoo argagax ku beeray dadka iyo dawladda Yuhuudda.

 

Dhinaca kale, wiil dhallinyaro Falastiini ah, ayaa minddi la dhacay askari Israaโ€™iili ah magaalada Beit Awwa ee ku taal koonfurta Daanta Galbeed (West Bank), iyagoo ciidanka ammaanku toogasho ku dilay Falastiinigaas shalay, halka sidoo kale askari iyo nin Yuhuudi ah lagu dhaawacay, markii nin Falastiini ah baabuur jiidhsiiyey dad marayey waddo, kaasoo markii dambe la soo baxay minddi, isla markaana ciidanka Israaโ€™iil toogasho ku dileen.

 

Sida lagu baahiyey telefishanka Al-jazeeraย tirada guud ee Falastiiniyiinta lagu dilay rasaasta ciidanka Israaโ€™iil, ayaa gaadhay 47 qof, halka ilaa hadda tirada dadka Israaโ€™iil ka dhintayna yihiin 9 qof, iyadoo isku dhaca iyo dagaalka u dhexeeya Falastiniinyiinta aan hubaysnayn iyo ciidanka Yuhuuddu marayo meel xaasaasi ah, khilaafkaas oo bilaabmay bishii hore ee September, kadib markii ciidanka Israaโ€™iil galeen masjidka barakaysan ee Al-aqsa oo ku yaal magaalada Qudus.

 

Source: Maankaab.com