Ethiopian Airlines oo bilowday Duullimaadyo ay si maalinle ah isaga Dhex-gooshayso magaalooyinka Addis Ababa iyo London

0

ethiopian-airlines-planeAddis Ababa (SLpost)- Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines, ayaa shaaca ka qaadday inay bilaabayso duullimaadyo maalinle ah oo isaga dhex-gooshayso magaalooyinka Addis Ababa iyo London, kuwaas oo ay si rasmi ah u xadhigga u jarayso gelinka dambe ee maanta, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Guud ee shirkadda, Tewolde Gebremariam.

โ€œWaxaanu ku faraxsannahay inaanu macaamishayada u bilownay adeeg duullimaad oo aanu ku tagayno magaalada London oo ka mid ah meelaha noogu muhiimsan ee aanu gaadhno,โ€ sidaa waxa yidhi guddoomiyaha shirkadda Ethiopian Airlines, isaga oo intaas ku daray in qorshaha lagu suurta-galiyey duullimaadyadani ay fursad ay wakhtigoda beekhtikaaminaysa macaamiishooda ganacsataa ah.

Duullimaadyada maalinlaha ah ee ay ka dhex-bilowday London iyo Addis Ababa oo ay u dheertahay adeegyo maalinle ah oo ku gaadho 49 waddan oo qaaradda ah, shirkadda Ethiopian Airlines waxa ay ballan-qaadday inay wakhtiga ugu gaaban ee duullimaadyada ugu adeegto macaamiisheeda.

SOMALILANDPOST.NET