
Xukuumadda kulmiye ee โFaanka badanโ, waxyaabaha ugu horeeya ee cid walba ka dareemaysa waxa wayaan inaaney xaaladda dhabta ah ee shacabka Somaliland ku sugan yaheyย wax ba ka ogeyn haddey tahey mid dhaqaale, mid nabadgelyo ama mid horumarineed. Waxa kali ah ee ay taqaannaa waxa weeyaan inay warbaahinta iyo TV-yadaย iska faanisoย oo guulo aan jirin sheegato, Somaaliduna horey u tidhi, โnin is faanshey waa riโis nuugtey.โ
Waxa aynu ku jirna ololahi doorashada golaha deegaanka iyadoo la laaley diwaangelinti aynu wada ogeyn wixii hawl, tacab, khasaare naf iyo maal ee ka soo gaadhey shacabka S/L iyo xukuumaddi Riyaale taas oo maanta dhaawac weyn ku keentey geeddi socodkii dimuqraadiyadda iyo hoos u dhac ku yimid meeqaamki siyaasadeed ee S/L ย ka joogtey mandaqadda geeska Afrika .
Waxa aan halkan ka qirayaa madaama aan ahaa guddoomiyihi xisbiga Kulmiye ee ololaha doorashada madaxtooyada saddexda gobol ee Galbeed in haddi doorashadi madaxtooyada ee dhacdey 26 June2010 lagu geli lahaa diwaangelin laโaan in udub ku shuban laheyd oo maanta aanu ahaadeen Axmedย Maxamad Silaanyo madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland . Miyaaney markaa aheyn wax lala yaabo in doorashadi ugu horeysey ee xukuumadda Kulmiye qabato ay noqoto mid bilaa diiwaangelin ah!
Miyaaney iskaย caddayn in xukuumadda Kulmiye dooneyso iney ku shubato doorashada iyadoo adeegsaneysa xoolihi ummadda iyo awooddi dawladnimo taas oo caddaalad daro ku ah lixdaย urur siyaasadeed ee kale , taasinaย ay ku kallifeyso taageerayaasha ururrada kale in ay codeynta ku noq noqdaan {double voting] arrintaas oo keeni karta isku dhac bulshada dhexdeeda ah illaahey inaguma keenee iyo nabadgelyo xumo. Nasib-darro se, waxaynuย dib ugu noqoney halki aynu ka bilowney doorashooyinka December 2002 (back to square one).Natiijada ka soo baxda codeynta noocan ahi ma noqoneyso mid ka tarjumeysa xaqiiqada dhabta ah baaxadda taageero ee musharaxu ku leyahey deegaankisa, codadka u helay ee waa kolba sida u ugu noq noqosho badanyahey (Hal xaaraan ihi nirig xalaal ah ma dhasho). Haddaba, haddi doorashadan bilaa diwaangelinta ah Illaahey inaga nabadgeliyo, maxaa laga yeelayaa doorashada golaha Wakiladda ee soo socota ee sannad wax ka yar uga hadhsantahey?
Allahayow ma dooran naqaanee, adigu noo door .
Eng. Baashe C. Gaboobe