Dugsiyada Sheekh Mooldhe iyo Maraaga oo xidhan iyo masuuliyiinta xukuumada kj metela oo aan wali u dhaqaaqin.

0

Dadka deegaanada Koonfurta, Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa waxa sanadihii ugu danbeeyay caruurtooda soo food saartay waxabarasho la’aan kadib markij ay xidhmeen dugsiyaddii ka dhisnaa deegaanadooda.

Dugsiyada xidhan waxa ka mid ah dugsiga Maraaga oo ka tirsan degmadda Farawayne, kaasoo ay dhigan jireen Arday gaadhaysa dhawr boqol.

Dugsi wayn oo Boodhin ah oo ka dhisan Sheekh Mooldhe ayaa isna gabi ahaanba xidhmay kadib markii xukuumaddii hore oo dhistay aanay miisaaniyadda Qaranka waxba ugu dari wayday cid kale oo taageerta na la waayay.

Dugsiyadda kale ee tuulooyinka ku teedsan waqooyiga, Galbeedka iyo Koonfurta Hargeysa ayey haysataa duruufo kuwa xidhmay aan waxba dhaamin.

Baahiyaha sugaya madaxda xukuumadda ugu jirta deegaanadaas waxa ka mid ah Macalimiin la’aan, fasalada oo ku yar iyo dadka Dan yarta ah ee aan awoodin caruurtooda inay quudiyaan oo u baahan Gurmad.

Masuuliyiinta deegaankaas ka soo jeeda illaa hada wax talaabo ah oo ah ugu kuur galayaan duruufaha deegaankooda may samayn waxaana socda kulamo lagaga dalbanayo baahiyahooda inay wax ka qabtaan ama xukuumadda u bandhigaan.

WQ: Maxamuud Cabdi Jaamac