ย
Hargaysa (SLpost) Xaflad lagu soo bandhigayey Buug ay ย qortay Dr. Edna Aden Ismaaciil oo ka hadlaya taariikhda iyo waayihii nololeed ee ay u soo joogtay ayaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, iyada oo ay munaasibadan soo qaban qaabiyeen dalladda haweenku ay ku midoobeen ee NAGAAD, waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Somaliland, ganacsato, aqoonyahano, qoreyaal, dhalinyaro, haween iyo dadweyne kale.
Buuggan oo cinwaankiisu ahaa ‘Hormuudka Haweenka’ ayaa waxa khudbad ka jeediyey hal-door kala duwan oo ka soo qayb galay munaasibadda.
Ugu horeyn guddoomiye ku xigeenka dallada haweenka ee NAGAAD Marwo Khadra Cumar Cismaan ayaa martida ku soo dhaweysay bandhiga buugani.
Guddoomiye ku xigeenka dallada haweenka ee NAGAAD Marwo Khadra Cumar Cismaan ayaa waxa ay ky tidhi khudbadeeda โAniga oo ku hadlaya afka dallada haweenke ee NAGAAD ee soo qaban qaabisay xafladan aadka u quruxda badan leh, waxa aan idin leeyahay dhamaantiin soo dhawaada waxa aynu caawa halkan ku gardaadinaynaa oo ugu dabaal degaynaa buugga ay qortay (Iron Lady of Somaliland), Dr. Edna Aden, waxaanan leeyahay caawa oo dhan inta waagu ka baryey hadaynu is nidhaahno taariikhda Edna Aadan ka sheekeeya waxa aan rumaysanahay inaynaan soo koobi karaynโ.
Geesta kale Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Sahra Kiin oo dhalinyarada daโa yarta ka mid ah, masuuliyiin ka socday shirkadaha Dahabshiil, Telesom, Somcable ayaa iyaguna munaasibadaasi khudbad ka jeediyey.
โEdna marka aynu qofnimo ugu noqono waa qof deg deg badan oo darban, marka aan deg deg leeyahayna fudayd maaha, laakiintii waa gurmad waxaa ay u deg degto ee ay darbantahayna waa dan guud waxaana ugu mudan daryeelka hooyada iyo ilmaha oo ah unuga qoyska, waxaana weeyi dadka hormuudka inay wakhtiga qiimeeyaan deedna sanadku waa u 12 bilood bishuna waa u 30, todobaadka waa ay tirsataa miridhka waa ay tirsataa, waxaanay ku dhawaataa inay burcad ka lulato ilbidhiqsigaโ ayuu yidhi Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale.
Sahra-kiin oo ka mid ah dhalinyarada haweenka dalka oo munaasibadaasi khudbad ka jeedisay ayaa waxa ay tidhi โHaddii ay aduunka ka tagto Edna waxa ay inooga tagaysaa waa taariikhda iyo waxqbaadka ay inoo samaysay, Caawa wax badan ayaan u hibayn lahaa Maamo Edna, waxaanan u hibaynayaa jaceylka aanu niyadda ku haynoโ.
โEdna waxa taariikh ugu filan cusbitaalkeedaasi oo mar walba waa uu buuxana waxa laga qaadana waan ogahay oo waxba maaha dadka, intaasi ayaana tusaale ugu filanโ ayuu yidhi masuul ka socday shirkada Dahabshiil.
Masuul ka socday shirkadda Telesom ayaa isna waxa uu khudbadiisa ku yidhi โDr. Edna waxa ay awooda saartay oo ay wakhtigeedii galisay oo ay u hibaysay nolosheedii inay daryeesho hooyooyinkeen iyo ubadkeena sidii ay u noqon lahaayeen qaar caafimaad qaba oo nolol wanaagsan ku noolaada nin kasta oo wanaagsan hooyo ayaa dhashay hooyo ayaana soo bar baarisay hadaanay hooyo soo gaadhsiina maanta hebeloow lama yidhaahdeenโ.
โEdna intii ay taqaanay ama shaqo ha ku kulmaan ama nolol ha kulmaan ayaa sheegtay anaguna intaasi aanu kala soconay warbaahinta iyo intii aanu soo bar baaraynayba warkoodu na soo gaadhayey wax aan wanaag ahayn kuma ogin, waxaananu leenahay aduunyada sidaa aad sharafta ku heshay ILAAHEY aakhirana ha ku siiyoโ.
Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee Somaliland Marwo Shukri Xaaji Baandare, wasiirka Cadaalada Cabdirisaaq Cali Cabdi iyo marti kale oo si qoto dheer u soo akhriyey buuggani ayaa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay.
โWaa shamac noo baxay waa iftiin iyo siraad aanu eegano ILAAHEY cimriga ha u daayo oo caafimaadkana ha ugu daro, ILAAHEY waxaan ka rajaynayaa haweenka Somaliland ee yar yar inay siraadkaa Edna inoo dhigtay iyo taariikhdaasi ay inoo dhigtay wada raacnoโ ayey tidhi wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland.
Wasiirka cadaalada Somaliland Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi โDhawr jeer waxaan isweydiinayey inantani maxaa ay noqon kartaa markaa anuu waxaan odhan lahaa inanta geeska malaha geeska Afrikaba anuu ma qabo inay cid la tartami karaysaaba inay jirto markaa Edna waa gabadhaa dedaal wakhtigeedii ku soo samaysayโ.
Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ah qoraaga buuggani laga qoray taariikhdeeda oo halkaasi khudbad ka jeedisay ayaa waxa ay ka warantay sababta keentay inay buuggani soo bandhigto, iyada oo dardaaran u jeedisay shacabka kala duwan ee Somaliland iyo Bahda caafimaadka.
Dr. Edna ayaa waxa ay khudbadeeda ku tidhi โWaxaan buuggan bilaabay dhawr jeer ayaan kolba bilaabay oo dhigay oo inta wixii aan qoray iga lumeen in badan cajalado ayaan ku duubay waa ay iga masaxmeen, waa ay lumeen, hadaan dib u dhagaystana hadana waxyaabo badan ayaa ila noqon waayey oo aan dib u masaxay oo aan hadana dib u bilaabay waa la I daweeyey khasab ayaa laba todobaad la igu hayey London labadii todobaad ayaan fikiray oo haddii aad imika dalqada laadi lahayd waad la dhiman lahayd, markaasi ayaan bilaabay inaan buugan bilaabo oo aan qoro, waxaan doonayaa inuu ahaado oo u ka hadlo taariikhda dalkayga Somalilandโ.
Dr. Edna Aadan oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi โEdna Aadan waa shakhsi, taariikhdayda Somaliland ee la xaqiray ee la cabudhiyey ee la masaxayย ayaan doonayaa xaqiiqda dalkaygu waxa uu yahay in la arko oo la ogaado, waxa kale oo aan doonayaa inaan la dardaarmo haddii halkaa Ardey ku jirto ama cidii danaynaysa bani aadamka ama cidii ka hawl gasha ama cidii danaynaysa inay dalka u shaqeeyaan in aan dardaarankaa aan uga tagayaa uu yahay qofkaa buka ee aad u shaqaynaysaan ha eegina gaadhiga keenay, ha eegin baanka lacagta u taala, ha eegin xariirta ay xidhan tahay ama uu xidhan yahay, waxaad ku xisaabtantaa qofkaasi marka cusbitaal la keenay inuu horta goโaan adag gaadhay in horta cusbitaal la geeyo iyo in kale, waxaana ay kaa doonaysaa wixii ay kaa filaysay oo dhan inay kaa hesho ee wanaagsanaa markaa ixtiraam qofkani waa ay is dhul dhigtay waa kuu magan waa magan kuu soo gashay oo gurigaaga timid waa kuu marti oo ixtiraam iyo soo dhaweyn ayey kaa mudan tahay hadaydaan soo dhaweyntaa qofka u heli karaynin shaqo kale doonoโ.
Munaasibada ka dib waxaa dareenkooda iyo inta ay ka aqaanaan kaย Marwo Edna ka hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo agaasimaha fulinta dallada haweenka ee NAGAAD.
Marwo Nafiisa Yuusuf Maxamed agaasimaha fulinta ee dallada haweenka ee NAGAAD oo dareenkeeda bandhiga buugga ku aadan ka hadashay ayaa waxa ay tidhi โAnigu dareenkayga runtii ma cabiri karo Edna oo ah qof nagu weyn oo aanu aad u jeclayn oo maanta umadda aad arkayso ee kumanaanka ah ay ka soo qayb galeen inta kale ee bulshada ah ee daawanaysaana ay ka sii badan tahay oo Barihii bulshada ee Twitterku ka mid ahaa cid inagaga horeysaa aanay jirin runtii shucuurtaydu aadbay u saraysaa mana soo koobi karoโ.
Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo isna dhankiisa ka halday ayaa waxa uu yidhi โEdna cida doonaysa inay ku dayato ee doonaysa inay halkaa gaadho waxaan u soo jeedinayaa inuu buugan akhriyoโ.