Dr Donald Yamamoto Oo Isu-dayay Inuu Go’doon Dhaqaale Galiyo Somaliland Sida Uu Sheegay Michael Rubin

0

Hargeysa(SLpost) Michael Rubin oo ah Aqoonyahan Maraykan ah oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaaΒ Β mar kale ugu baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis diblomaasiyadeed ka furato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay dal dimuqraadi ah oo muhiim u ah Maraykanka.

Warbixin uu Michael Rubin ku daabacay Wargeyska Washington Examiner, taas oo uu kaga hadlay wadahadalladii Jabuuti Toddobaadkii hore ku dhex maray Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Maraykanku kaalin ku lahaayeen.

 

Michael Rubin wuxuu si adag u naqdiyey Siyaasadda danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr.Β Donald Yamamoto oo uu ku sifeeyey mid si cad ula safan Soomaaliya oo muddo dheer isku dayey inuu go’doon dhaqaale geliyo Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu dhaqaalaha Maraykanku ugu deeqo SoomaalidaΒ Β uu wada siiyo Dawladda Muqdisho oo Khabiirku ku tilmaamay mid ka talisaΒ Β dhul masaafadiisuΒ Β kooban tahay oo ku yaalla Muqdisho isla markaana 16 sannadood hormuud u ahaydΒ Β dalalka musuqmaasuquΒ Β naafeeyey.

Aqoonyahankaasi wuxuu ku dooday inay Somaliland tahay Waddan xorΒ Β ahaa oo tan iyo markii ayΒ Β 1991kii madax-bannaanidoodaΒ Β kala soo noqdeenΒ Β Soomaaliya, muddadaas dheernaΒ Β ku naaloonayey xasilooni iyo dimuqraadiyad.

Michael Rubin oo horena uga tirsanaan jirayΒ Β Β Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku wuxuu kuΒ Β boorriyey Dawladda Maraykanka inay Jamhuuriyadda Somaliland ka furato xilliganΒ Β Xafiis diblomaasiyadeed sida ay ugu leedahayΒ Β xafiisyoΒ Β Waqooyiga Suuriya iyo Taiwan, waxaanu intaas ku daray in qunsuliyado kala duwan ay dalalka Turkiga, Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin Somaliland.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalalka Yurub qaarkood ay xafiisyo ku leeyihiin caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaasi oo aanay wax dhibaato nabadgelyadarro ahi ka jirin oo ay ka dhex shaqeyn karaan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Somaliland dhinacaΒ Β fal-dambiyeedyada ay aad uga hooseysoΒ Β kuwa ka dhaca Caasimadaha Yurub.

Somalilandpost.net

Hargeysa