Dowladda Ingiriiska oo Aqoonsatay Baasaboorka Somaliland iyo Guulaha ka dhashay Doorashadii Sannadkan

0

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo soo bandhigay Laba Qodob oo ka mid ah Guulaha Somaliland ka heshay Doorashadii Isku-sidkaynayd ee Wakiillada iyo Deegaanka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Doorashooyinku isku sidkanaa ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillkadu magac iyo Sumcad u soo hoyeen Somaliland, waxaanu guddoomiyuhu xusay inay jiraan guulo la taaban karo oo ka dhashay hirgelinta iyo nidaamkii ay u qabsoomeen doorashooyinkaasi.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey munaasibad ay ku qalin-jabiyeen dufcaddii 9aad ee ka baxda Jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa, waxa uu soo qaatay Laba Arrimood uu tilmaamay inay ka mid yihiin guulaha Qaranka u soo hoyday, kuwaas oo uu sheegay inay Somaliland uga yimaaddeen dhinaca dowladda Ingriiisku

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Guulaha ay doorashooyinkaasi u soo hooyeen Somaliland ka mid tahay in dowladda Boqortooyada Ingiriisku Aqoonsato Baasaboorka Somaliland, isagoo sheegay in baasaboorka Somaliland ka mid noqday documentiyada Sharciga ah ee laga aqoonsan yahay gudaha dalkaas. Waxa uu tusaale u soo qaatay in Qofka reer Somaliland ee deggen dalka Ingiriiska ee ku dhoofay baasaboorka Somaliland uu gudaha dalkaas account kaga furan karo sida qof kasta oo Ingiriiska u dhashay looga baahan yahay inuu keensado Documentiyadiisa aqoonsiga marka uu xisaab ka furanayo bangiyada dalkaas.

“Waxaan idiin sheegayaa laba arrimood oo muhiim ah oo ay keentay doorashadaasi ayaa Ingiriiska ka soo baxay. Waa ta koowaade, qofka Baasaboorka Somaliland ku dhoofay ee Ingiriiska deggen, Akoon buu ku furan karaa baasaboorkaa, markaa waa la ictiraafay baasaboorkeenii,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu qodobka labaad ee guulaha Somaliland ee doorashooyinkaas ka dhashay ku sheegay inay dowladda Ingiriisku Somaliland ku dartay Waddamo ku yaalla qaaradda Afrika oo ay ka hirgelinayso maalgeshi ay ku bixinayso kumanaan Milyan oo Dollar.

“Shirkad la yidhaado CDC oo qiimaysa soona saarta dhulka nabadda ah ee Ingiriisku doonayo inuu maalgashado ayaa Somaliland ku dartay Liiska oo waxay doonayaan inay Berbera ku maalgashadaan 100 Milyan oo Dollar,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo intaas ku daray in maalgeshiga noocaas ahi suurto-galinayo shaqo-abuur badan.

Shirkadda CDC Group oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Maaliyadda Maalgeshiga, ayaa shaacisay inay lacag dhan 1.2 Bilyan ku maalgelinayso dhowr waddan oo ku yaalla qaaradda Afrika, kuwaas oo Somaliland ka mid tahay. Maalgeshiga dowladda Ingiriiska ayaa si gaar ah u khuseyaa dhowr dekedoodo oo marsada Berbera ka mid tahay.

Tallaabada maalgeshi ee dowladda Ingiriiska ayaa ku yimi kaddib markii heshiis is-afgarad dhexmaray shirkadda DP World oo $400 Milyan ku maalgeshiday dekedda Berbera, waxaanay labada shirkadood toddobaadkan si wada-jir ah u shaaciyeen inay shirkadda CDC maalgeshiga Dekedda Berbera ku dari doonto lacag gaadhaysa $320 Milyan, taas oo suurto-galinaysa in Dekedda Berbera hesho maalgeshi la mid ah ka ay Shirkadda DP World ku bixisay ballaadhinta iyo Casriyeynta Dekedda Berbera oo la filayo inay ka mid noqoto hormuudka Dekedaha Caalamka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net