Dowladda Ethiopia oo Difaacday heshiiska Somaliland, Luuqad Adagna Ugu Jawaabtay Somalia iyo Masar

0

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia, ayaa si adag u difaacday heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ay ku tilmaantay heshiis dhexmaray laba waddan oo wadaaga xidhiidh qoto-dheer.

Redwan Hussein oo ah La-taliyaha Amiga Qaranka ee Raysal-wasaaraha Ethiopia, ayaa sheegay in heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia ku salaysan yahay wax-wada-qabsi u dhexeeya laba waddan oo xidhiidh qoto-dheer leh.

La-taliyaha Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa X, waxa uu jawaabo kaga bixiyey hadallo ka soo yeedhay Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, isagoo si gaar ah u dul-istaagay hadalka madaxweynaha Masar taageerada ugu muujiyey Soomaaliya oo uu ku tilmaamay daan-daansi dabka ku sii hurinaya xiisadda Gobolka.
β€œWaxa naga dhexeeya xidhiidh qotodheer, waxaanu nahay laba isku tolan oo aan kala maarmin. Heshiiska is-afgarad ee aanu Somaliland wada-galnay waa heshiis iskaashi iyo wax-wada-qabsi oo Ethiopia u sahlaya inay hesho marin badeed oo ganacsi. Maaha mid aanu dhul ku goosanayno ama ku xad-gudbaya madax-bannaanida waddan kale,” sidaas ayuu yidhi Redwan Hussien oo intaas ku daray in Dowladda Masar farogelinta arrintan uga faa’idaysaynayso cadaawad ay Ethiopia u qabto.

β€œIyadoo xaqiiqadu sidaas tahay, haddana waxa jira waddamo aan Soomaaliya wax badan ka taageerin xilliyadii ay baahida weyn u qabtay oo imika isku dayaya inay isu muujiyaan inay yihiin saaxiibo dhab ah. Laakiin, waxaa cad in waxa ku kalifayaa aanay ahayn lexe-jeclo ay u hayaan Soomaaliya balse ay tahay cadaawad ay u qabaan Itoobiya,” ayuu yidhi Redwan Hussein.

Wuxuu si adag u dedaafeeyey hadallo ka soo yeedhay Masar iyo Waddamo kale oo ka soo horjeestay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, waxaanu yidhi, β€œUjeeddadoodu maaha ilaalinta nabadda iyo amniga Geeska Afrika. Taas way ka fogtahay, waxa ay rabaan in ay abuuraan fidno iyo qas. Indho-adkaanta aanu arkeynaa, waxay sii hurinaysaa xiisadda jirta, waxaanay u adeegaysaa danaha kuwa fursadda ku raadinaya farogelinta ay wadaan.”

Waxa uu sheegtay in siyaasadda Dowladda Ethiopia tahay iskaashiga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha dalalka deriska ah, waxaanu yidhi, β€œItoobiya waxa ay jeclaan lahayd inay deriskeeda la wadaagto iskaashi horseedi kara horumarinta is-dhexgalka gobolka oo lagu tanaado. Itoobiya waxay aaminsan tahay in wada-hadalku ka wanaagsan yahay hadallada, qoraalada iyo odhaahyada aan loo baahnayn ee kicinaya xiisadda.”

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Masar oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Qaahira, ayaa ka soo horjeestay heshiiska oo ay ku tilmaameen tallaabo nabadgelyo-darro u horseedaysa Gobolka.