Dowladda Djibouti Oo Caddeysay Mowqifkeeda ku Wejahan Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia

0

Djibouti (SLpost)- Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay heshiiska is-afgarad ee dhexmaray doiwlaha Somaliland iyo Ethiopia oo ay gebi ahaanba ka gaab-satay ka-hadalkiisa.

Afhayeenka madaxtooyada Jabuuti, Daaโ€™uud Hummad, oo la hadlay warbaahinta RFI oo dalka Faransiiska laga leeyahay, ayaa soo bandhigay doorka ay dowladdiisa ka qaadan karto arrintan oo xusay inay tallaabo dublomaasiyeed kaga qayb-qaadanayaan.

โ€œJamhuuriyadda Jabuuti waxay ka xun tahay xiisadda dheeraadkaa ah ee ka soo cusboonaatay mandaqada Geeska Afrika oo horay u soo martay xiisado soo noq-noqday. Mushkiladda Soomaalidu waxay qusaysaa Soomaalida oo keliya. Annagu kuma faragelin karno arrimahooda,โ€ ayuu Daaโ€™uud Humma u sheegay warbaahinta RFI oo aanu warkan ka soo xigannay.

โ€œWaxa aan daacad ka nahay mowqifkayaga diblomaasiyadeed ee khuseeya caddaaladda iyo nabadda gobolka Geeska Afrikaโ€, ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, โ€œJamhuuriyadda Jabuuti waxay soo jeedinaysaa oo taladayadu tahay in si Soomalinimo loo dhameeyo mushkiladda.โ€

โ€œXilligan Jabuuti waxay haysaa madaxnimada meertada ee urur-goboleedka IGAD, annagoo hore dhex dhexaadin uga sameynay dhibaatada ka taagan Suudaan, ka dibna Soomaaliya iyo Somaliland,โ€ ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada dalka Jabuuti, waxaanu intaas raaciyey, โ€œDalka Jabuuti waxa uu diyaar u yahay inuu khibraddiisa u soo bandhigo cidda ay khusayso.โ€

Somalilandpost Media Inc.