Geneva (SLpost):-Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya,ayuu afduubay kaaliyihii duuliyaha diyaaraddu ka dib markii uu bayloodku suuliga galay isla markaana ka duway duulimaadkii ay ku socotay una leexiyay dal kale oo Yurub ah
Diyaaraddan oo laga leeyahay dalka Itoobiya, ayaa la sheegay inuu afduubtay kabtan ku xigeenkii diyaaradda oo ku sii jeedday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga sida lagu xusay war maanta ka soo baxay maamulka Airport-tiga magaalada Geneva oo ah halka lagu dajiyay diyaaraddaas.
“Kabtan ku xigeenku muu hubaysnayn ,waxaana uu hoosta ka soo xidhay qolka laga hago diyaaradda “ayaa lagu yidhi war arintan laga soo saaray ,iyadoo gabi-ahaanba hakad la galiyay dhaq-dhaqaaqii duulimaadyada ee Airporka magaalada Geneva.
Sidoo kale shirkadda duulimaadyada ee Ethiopia Airways ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaheed lagu qasbay in si xoog ah looga dajiyo dalka Swizeraland ,waxaana lagu xusay warkaas in ay bad-qabaan rakaabkii saarnaa diyaaradaas.