Laascaanood (SLpost)- Talista Qaybta booliska ee gobolka Sool, ayaa tafaasiil ka bixiyey dilal labadii maalmood ee u dambeyey ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas oo mid ka mid ah lagu fuliyey askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sool Cabdiraxmaan Col-haye, ayaa sheegay inay ciidamada boolisku ku gacanta ku dhigeen laba gacan-ku-dhiigle oo shalay iyo dorraad wakhtiyo kala duwan dil ugu geystay magaaladaas laba marxuum oo midkooda ka tirsanaa ciidanka booliska ee degmada Laascaanood.
DHEGAYSO: