Ma dhammaystiri karo maansooyinka i soo jiitay ee dhiganahan ku jiro sidoo kale waxaa ka mid ah; Maansada โGuurโ. Maansadani waxay ka mid tahay maansooyinka ku jira filimka โAbaydin abaydin dhalayโ waxana ay ka hadlaysaa wanaagii uu lahaa guurkii hore, cid kale lama hadlaysee dhallinyarada ayey si gaara ula hadlaysaa. Waxay u sheegaysaa in guurku lahaan jiray, milge, maamuus, masruuf, mariin iyo martabad sare.ย Waxa kale oo ay intaas u raacinaysaa haddiiba aan la soo celin milgihuu lahaan jiray guurku in la dhaxli doonno hoog iyo halis. Waxay tidhi sidan:
Guurkeennu milguu lahaa
Macniyo qiimuu lahaa
Miisaan weyn buu lahaa
Haasaawiyo maydhax-diir
Xaq-dhawr iyo marin gobeed
Maamuus culus buu lahaa
Guurkeennu maqaam sariyo
Martabad dheer buu sudhnaa
Marriin238 bay inantu leyd
Masโuul bixiyey lahayd
Masruuf baa loo qarridhey
Meexaamii239 Gacalka iyo
Tol aan kala maarmi karin
Ayaa meehaahi240 jiray
Macooyiyo hooyo wacan
Marwaa loo xeeban jiray
Markay xaleeleen carruuri
Hadduun buu muuno jabay
Mudnaantii la diley
Macaan laga dhigey qadhaadh
Masaafiyo meher-xadkani
Sharciga meel kagama yaal
Dhallinyaroow magan Allee
Haddaan talo loo miyirin
Shareecada lagu mitidin
Sooyaalkeenii la marin
Marwaadkuu dhaqan lahaa
Haddaad mijo xaabisaan
Waxyaabaha muxarrimka ah
Haddaad u miliilicdaan
Hadhow midhahay dhashiyo
Waxaad ka magaabataan
Markhaataa laga ahaan.
Maansooyinkii ugu horreeyey ee abwaanku tiriyey waxaa ka mid ahayd maanso waxbarasha ka hadlaysa maansadan waxa uu u tiriyey arday xilligaas uu tiriyey dhammaystay waxbarashoodii sannadkii 1985-kii. Qoddobada uu kaga hadlay maansada waxaa mid ahaa waajibaadka laga rabo ardayga, sida habdhaqan wanaagsan, dulqaad iyo darreen samo fal ku dhisan waxa uu yidhi;
Arday waxaannu nahay
Aqoontiyo cilmiga
Lagu ababiyoo
Asluub iyo dul-qaad
Eebbe siiyayoo
Ummaddooda dhammi
U asxaan faloo
Ku adkaystayoo
Lagu wada ogyee
Awrba awrka hore
Inta uu socduu
Kan danbana ogyoo
Ku itaalayaa
Nimanyahow aflaxay
Aarankaa kiciyo
Jiilka imanayaba
Ma tusnaa awoo?
Dhabbo aayo wacan
Dhibta aadamiga
Aafeysay iyo
Iimaha saddexan
Ee adduunka dhibay
Eel baa ka daran
Haddaynaan ogaan
Waa aqoonxumee
Aaniyo qabiil
Ma ka aarsanaa?!
Kama helinoo kaliya suugaan cusub iyo erayo cusub ee waxaan ka ogaaday, baadisoocda aynu lahayn, dhaqankeennuu siduu hodanka u ahaa iyo sida maanta loo cidleeyey , iyo siday dhalin badani uga dhooftay dhaqankoodii wacnaa!
Ugu danbayn Suugaanta halkan u dhigani waa suugaan wax ku baraysa. Waxay noloshaada ka dhigayaan mid mid taaganta iyo tagtadaba wax ka garanaya, mid sita toosh uu wax badan oo ka qarsoonaa ku ogaanayo. Waa Suugaan muuqaalka aad ka arkayso maahee kuwo kale ku qarsoonyahay oo loo baahanyahay inaad adigu lafo gurto.
Dhammaad
Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland
libaaxo.77@gmail.com