Gabayga aad ka akhrisato buuggani waxa uu kuu gudbin doonaa maanso, maansaduna geeraar, geeraarkuna hees hawleedyo iyo halo kaloo badan oon halkan lagu soo koobi karin!
Waa buuggii labaad ee lagu soo bandhiggo qaybo ka mid ah sugaantaa Abwaanka.
Waxa uu buuggu ka warramayaa โDulmidiidkaโ iyo daryeel laโaanta bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxa uu cidkasta kala hadlyaa hawsha u taala iyo ta u imanaysaba. Ummadda oo dhan ayuu si gaara iyo guudba ula hadlayaa. Waxa uu cidkasta u tilmaamayaa masuuliyadda hortaala iyo waxa la gudboon.
Hibada, hal-Abuurka iyo hawraartaย hodantinimadu ku duugan tahay ee Axmed Aw Geeddi maaha mid xaashi iyo kuwo kale lagu qori karo balse waa badweyn aad marba meel ka istaagayso!
Dhiganahani wuxuu ku dhaxalsiinayaa inaad ku fikirto noqoshada qof lagu soo hirto oo dadku kaga daydaan wanaagiisa. Mid lagaga daydoย tirtirka saddexda madaw; Qabyaaladda, Aqoondarradda iyo Saboolnimada. Sidoo kale hawlgal iyo halgan nololeed, nabadayn iyo naruuro ifaysa, waddaniyadda iyo wehelka waddanka.Waxaa taasi sii dheer barashada deegaanka iyo dhaqanka guud ahantii, barashada siyaasadda iyo saldhigga wacyigelinta ummadda. Haaneed wuxuu ka kooban yahay 10 qormo, tobankaas qormo waxaa ka mid ah
- Maansooyin halgan iyo dulmi diid
- maansooyin cirbaxay iyo halmuceedyo
- Qunbe malabiyo tixo qubane ah
- Tix carceertiyo dhaliil tolmoon iyo maansooyin riwaayadeed
Maxaa loogu bixiyey buugga Haaneed?
โHasha laba nin baa lisa. Ninka dhiilka haya ayaa haaneedka taagan. Waa dhinaca mudan ee hasha laga joogsado. Timacadde waa kii lahaa, โHaaneednay Maandeeq Ilaah nama hungeysiineโ. Halbay kalmaddaasi markii hore ku saabsanayd, markii danbena halโabuurku gobannimadii bay u adeegsadeen. Gabayga laftiisuna wuxu kala leeyahay โHaaneedโ iyo โMiskeedโ, oo waa in la haaneedo oo dhinaca tooska ah la iska taago. Ibraahin-Gadhle ayaa waxa uu yidhi: โMaansada abwaanoow, haaneedka mooyee, yaan miskeedka laga gelin!. Markaa magaca โHaaneedโ ee buuggani waxa uu u taagan yahay in suugaanta xagga toosan ee bulshada wax u taraysa laga galo oo la iska taagoโ.ย Axmed Iid Aadan
Dhiganahan waxaad kala kulmi doontaa mahadhada xilliga iyo sawrirro xasuus mudan, oo mid kastaa maalin gaara iyo ujeedkiisa lahaa. Dhiganahan waxaad ka dhex daawanaysaa in suugaanta abwaan Axmed Aw Geeddi ay leedahay Baadi-Soocย u gaar ah, isla markaana kaga duwan tahay suugaanta kale ee abwaannada.
Maansooyinka dhiganahan ku diiwaan-gashan waxaad ka dheehanaysaa aqoon aad u baaxad wayn, isla markaana ka miisaan wayn inta aad ka baratay. Buugga waxaad ugu tegi doontaa maansooyin duluc keli ah koobsanaya sida; โShahiid dirirโ, โguurโ, โabaydin abaydin dhalayโ, โindha daalisโ, โdadku waa ilmo aadanโ, โgeyaanโ ,โwaa carruurโ, โyaan iblays fooqyo kaa ridinโ iyo qaar kaloo badan. Maansooyin arar kooban sida; cirjiidh, dhiigmaydh iyo roob doon. Maansooyin dulucdoodu ka mugwaytahay oo ay badan tahay isla markaana ujeedooyin badan midaynaya sida;ย Himilo iyo jiiftada garbadiir. Maansooyin dulucdoodu dedan tahay sida kordahab iyo hiddasan.
Maansada Kordahab waxay noqotay intii aan akhrisanayey dhiganaha Haaneed maansadii iigu yaabka badnayd, waa maanso qoto dheer oo miisaan mug wayn xanbaarsan waanay ka magac iyo muuq dheertahay maansoyinka kale. Sidoo kale waxa loo rogay (turjumay) Af-Ingiriisi.ย Dahabo-Cadar, Deeqa-Ladan, doobir badan, damal hadhwayn, dumar-u-roon, diric-kalkaal, deris ma-dhiba, Sama dugsada, daacad dhaba, gumaro dihin, dawlada qaran, aragti dheer,xishood qurux, dulqaad iyo dad jacayl. Intaas oo magac ah ayuu abwaanku u bixiyey maansada kordahab oo u gaar ah iyada.
Meelo badan ayuu abwaanku ka tiriyey Kordahab. Maansadan aqoonyahanno badan ayaa gorfeeyey sida; Maxamuud Sh. Axmed Dalmar iyo Kamaal Axmed Cali. Waxa uu sheegay Sh. Dalmar inย Kordahab meelna lagu cayimi karin, arrintan waxa uu sii daba-dhigay oo uu yidhiโ Waxay tilmaamaysaa shayga quruxda la yidhaahdo oo mar gabadha uu Kordahab u bixiyey Axmed, marna dabeecadda dhulkeenna ee hilaaca, roobka, gudgudaha, caleemaha iyo quruxdii oo marba si gooni ah loo sifaynayo. Mar kale suugaanyahanka, murti-dhaadhiga ama dhaqanruugga soomalida waxa lagu yaqaan in ay maansadoodu dhawr sifo yeelato oo sidii ninkii yidhi,โ muruqa laba suulle nin ba siโ la ah.โ Iyaga oo dushaa la moodayo in ay inan (gabadh) ka hadlayaan ay haddana wax ka gun dheer ama ka qoto fog ka hadlayaan.
โMaansada Kordahab waa dugsi cusub oo Ibofur u noqon kara in gabayga Soomalidu uu hannaan kii hore ka duwan u cabbiro caashaqaโ Kamaal Axmed Cali.
Kamaal isaga oo si qoto dheer inooga sheekaynaya maansada Kordahab waxa uu yidhi,โMaansadan Abwaan Axmed Aw Geeddi, marka laga tago qaabka cusub ee uu jacaylka u soo bandhigay, waxaa u dheer in uu si aqoon iyo waayo-aragnimo badani ku dheehan tahay isugu xidhayo deegaankii, hiddihii iyo dhaqankii hore oo dhan ah iyo noloshan casriga ah ee teknoolajiyadda iyo hannaanka dawladnimo u adeegaysata dhinacyada kala duwan ee nolosha oo dhanka kale ah.โ
Waxa uu intaa ku daray Kamaal, marka laga tago hal-abuurnimada abwaanka ee ka muuqata maansadan Kordahab iyo qaabka xiisaha badan ee ay gabayga ugu xidhayso nolosha casriga ah, waxa keliya ee ay mudan tahay waa in hal-abuurka hadda jooga iyo suugaanyahanku ay u aqoonsadaan kacaan cusub oo dib u cusboonaysiinaya suugaanta Soomaaliyeed si ay ula jaanqaaddo
Aynu soo qaadaynno qaybo kooban oo ka mid ah Maansada Kordahab:
Illayn waa Dahabo-Cadar
Illayn waa Deeqa-Ladan
Illayn waa Doobir269 badan
Illayn waa damal hadhwayn
Illayn dumar-u-roon
Illayn waa diric-kalkaal
Illayn waa deris ma-dhiba
Illayn waa samo-Dugsada
Illayn waa daacad dhaba
Illayn waa gumaro270 dihin
Illayn waa dawlad qaran la yidhi,
Calan bow deldelan
Debkeedaan abid bakhtiyinโ
Suuraaf271 baa kuu duddee
Dabbaal 272 ย iyo maaha nacas
Demmeni weli laguma xaman
Waxaan looba duurxulayn274
Haddaa hadalka u deddaan
Diirkay xaajada ka garan
Dugsey waalidkeed u tahay
Dadkiyo gacalkaa ku hiran
Deeqdiyo quudkay275 hurtaa
Docdeedana laguma qado
Xishood bay dayratoo
Duryan iyo dawshad iyo
Dibnaha hiif kama taqaan
Dulqaad baa lagu sedoo
Dhib iyo dibindaabyo ma leh
Darmaan weeyaan cuddoon
Daahiyad276 weeyaan dhabeela277
Ma doonto wixii la diiday
Ma diido wxii ku daw ah
Intii dumar loogu xilan
Dadnimo Rabbi bow dhammeeyey
Badh baa dibadaha maree
Iyadu dalandool278 ma dhigin
Dibood iyo meel xun jog
Absuga279 waa looga digay
Dardaaran fog bay qabtaa
Cirkoo wada dedan habeen
Sidii Dayax heel ka mudhay
Iftiinkii daaliciyo
Hillaacii dunida miray
Haddaad roob soo daโiyo
Idinku dirir moodayseen
Nuurkii Deequu ahaa
Niqaabku markuu ka duulay!
Haddii tartan daawashiyo
Inuun qurux lays dalbado
Laxaha280 daanshoonayiyo
Hadday Dayaxa iyo Cadceeddu
Dhammaan soo wada degaan
Digtoodiyo halalacooda
Kordahab baa shiikhin layd!
Diyaarado lala hayiyo
Abboolaha samada degay
Diiradda cirbixiyeenadiyo
Waxaa Satalayt la diray
Hibay deydeyi yahaan
Haldoorkiyo duub intii leh
Intii hanad lagu dabqaato
Dunjiga madaxwaynayaasha
Amaba Dibitaati caana
Darteed bay suuxsan yiin!
Deebalaha geel iyo gammaan
Daas282 iyo lacag iyo qadhiidh283
Dirhamka soof284 lagu gatiyo
Amaba demesh285 iyo xariir
Duunyadu meherkeed ma goyso
Haddii calaf laygu daro
Diintaan ku nikaaxi laa
Fiiro gaara: Maansadan oo dhammaystiran, sharaxeeda iyo waxa laga yidhi ugu hagaag buugga Haaneed, boggiisa 151-169
La soco qaybta danbe hadduu Alle idmo.
Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland