Dhakhtar Maraykanka ka Caawiyey Dilkii Usama Bin Laden oo lagu Xukumay Xabsi 30 sanno ah

0

Islamabad (SLpost)- Dhakhrarย  u dhashay dalka Baakistaanย  ooย ย Wardoonka Mareykanka ee CIAย ย gacan kaย ย siiyeyย dilkii lagu khaarajiyeyย ย Usama Bin Laaden, ayaa lagu xukumay xabsi 30 sanadod.

Shakil Afridi, waxaa lagu helay oo lagu eedeeyey inuu sameeyeyย ย khiyaamo Qaran kadib markii uu ku dhaqaaqayย ย barnaamij dhinaca talaalka oo been abuur ah si uu wararย ย ugu soo uruuriyoย wardoonka Mareykanka .

Xoghayaha arimahan dibada ee Mareykanka ayaa ku baaqday in lasii daayoย ย ninkaasi dhakhtarka ah, waxanay tilmaantay in hawsha uu qabtayย ย dhakhtarkaasi ay aheyd mid u adeegaysay danaha Mareykanka iyo Baakistaan. Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa Usaama Bin Laadin ku dilay guri kuyaalay magaaladaย Abbottabad ee dhinaca Woqooyi-Galbeed ee wadankaasi Baakistaan bishii Mayย ย ee sanadkii 2011.

Baakistan ayaa waji gabax ka qaaday in hogaamiyihii al-Qaaciidaย ย laga helo gudaha Baakistaan isagoo ku nool, hase ahaate waxay arintaasi meel xun gaadhsiisay xidhiidhkii u dhaxeeyey Baakistaan iyo Mareykanka , waxaanay Baakistaan ay dareentay Meel kadhac in lagulakacay madaxbanaanideedii.

SLpost News