Muqdisho (SLpost)- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadashay Tacaddiyo Kufsi iyo xad-gudubyo xuquuqada Aadamaha ka dhan ah oo lagu eedeeyey inay Ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM kula kaceen Haween Soomaaliyeed, isla markaana waxay sheegtay inay baadhayso sida Ciidammada AMISOM ugu kaceen falalkaa foosha-xun.
Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay eedeymaha la xidhiidha falalka galmada sharci-darrada ah ee qasabka ah ee lagu sheegay Warbixinta Isniintii soo saartay Hayโadda difaacda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, taasoo kashiftay inay qaab xoog, qasab iyo khiyaamo ah ku kufsadaan Haweenka Soomaaliyeed ee Barakacayaasha u badan Ciidammada Midawga Afrika kaga sugan dalka Soomaaliya.
Raysal-wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay cambaaareynayso dhammaan noocyada xad-gudub ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Aadamaha-ba, waxaanu xusay inay ka goโan tahay inay xaqiijiyaan ciddii ku kacday falkaas si caddaaladda loo horkeeno sida uu ku dooday.
โXukuumaddu waxay ku sameyn doontaa eedeymahan baadhitaan qoto-dheer oo deg-deg ah, waxaana qaadaynaa tallaabo lagama maarmaan ah sidii eedeymahan lagu xaqiijin lahaa. Waxaana naga goโan ilaalinta Xuquuqda Shacabkeenna, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta.โ Sidaa ayaa lagu yidhi War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya shalay.
Sidoo kale, Warka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Xad-gudubyada noocan oo kale ah ee dhiig-miiradka ah aanay dawladdu aqbali doonin, lana ilaalin doono dhammaan Xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul.
โDawladda Soomaaliya waxay weydiisanaysaa AMISOM iyo waddamada ay ka socdaan Ciidammadu inay ka qaybqaataan ilaalinta Xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed iyo inay ka qaybqaataan baadhitaanka lagu xaqiijinayo kuwii xad-gudubyada ku kacay.โ Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixinta Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya ka soo baxday Salaasadii Shalay.
Waxa kale oo qoraalkaas Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed lagu yidhi; โShacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin nolol xor ka ah argagixisada, dhammaanna waa inay door ku yeeshaan hirgelinta, kormeerka iyo u doodidda kuwa jilicsan.โ Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa ku celiyay inay Xukuumadda ka goโan tahay in caddaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelata tacaddiyada iyo Kufsiga Haweenka Soomaaliyeed ee lagu sheegay Warbixinta ay Isniintii soo saartay Hayโadda Human Rights Watch.
SOMALILANDPOST.NET