Hargeysa(SLpst)-Golaha wasiirada ee dawladda Somaliya ayaa maanta ka shiraya goโaanka ay dawladda Somaliland toddobaadkan ka soo saartay isu socodka Somaliland iyo Somaliya, kaas oo lagu sameeyay wax ka bedel balaadhan.
Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in shirka golaha wasiirada dawladda Somaliya la filayo in maanta lagaga hadlo goโaanka ay dawladda Somaliland gaadhay, kaas oo ay aaminsanyihiin inuu yahay goโaan siyaasadeed oo loola jeedo dawladooda Muqdisho, halka ay dawladda Somaliland sheegtay inay goโaankaas ku salaysay danaheeda amni.
Lama garanayo in dawladda Somaliya ay si toos ah uga jawaabi doonto goโaanka isu socod ee Somaliland soo saartay iyo inay si kale uga jawaabi doonto, laakiin goโaanka Somaliland ayaa noqday mawduuc dhawrkii maalmood ee u dambeeyay si weyn looga hadal hayay magaalada Muqdisho.
XigashO Geeska Afrika