Dawladda Maraykanka Oo Fasaxay In Dalkeeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland

0

Washington (HT) – Dawladda Maraykanka, ayaa toddobaadkii hore soo saartay amar ay dalkaasi kaga xayirtay inay galaan dadka 43 waddan oo caalamka ah.

Waddamadan oo ku kala yaalla Qaaradaha Adduunka ee kala duwan, ayaa waxa ku jirta Soomaaliya oo aanay Somaliland ku jirin.

Soomaaliya iyo 42-ka waddan ee kale ayaanay dadkoodu geli karin Maraykanka, wixii ka dambeeyay amarka ka soo baxay Waaxda socdaalka ee Maamulka Madaxweyne Doland J. Trump ee Maraykanka.

Laakiin, iyadoo waddamo badan ay wajahayaan xayiraadaha dhanka socdaalka ee Maraykanka, ayaa dadka haysta baasaboorka Somaliland waxay sii wadaan inay galaan dalka Maraykanka, sida uu sheegay Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland Cabdirashiid Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim oo la socda dawladaha ogol in dalalkooda lagu Baasaaboorka Somaliland.

Cabdirashiid Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim oo qoraalka uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey boggiisa X ama Twitter-ka, ayaa sheegay in bilihii u dambeeyay Baasaaboorka Somaliland la casriyeeyay oo la gaadhsiiyey heerarka caalamiga ah, taasina qayb ka tahay aqbalaadda Maraykanka “Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland ee dhawaan la cusboonaysiiyay, ayaa la gaadhsiiyey heerar sare oo tignoolajiyadeed, kaas oo kor u qaaday ammaanka iyo isu-socodka caalamka..” ayuu hadalkiisa raaciyey Cabdirashiid Cabdiraxmaan.

Xogta uu sheegay Agaasimahaa hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, waxa sii xoojinaya Mubaarik Sarhaye oo dhawaan isagoo sita Baasaaboorka Somaliland isku maray dalalka Maraykanka iyo Kanada.

Mubaarik Sarhaye oo qoraal ku baahiyey bartiisa X, ayaa yidhi “Maanta waxaan u socdaalay waddamada Kanada iyo Maraykanka, anigoo ka imid Hargeysa. Waxaan wataa Baasaaboorka Somaliland, waxaana iga yaabiyey inay labada kastamba I soo dhoweeyeen. Sarkiisha Maraykanka ayaa ii sheegay inay igu adkaan lahayd gelidda dalkaasi, haddaan Baasaaboorka Soomaaliya wato.”

Mubaarik Sarhaye oo hadalkiisa sii wata ayaa Muwaadiniinta Somaliland u soo jeediyey inay qaataan Baasaaboorka Somaliland “Qaado haddaad helayso..” ayuu yidhi Mubaarik Sarhaye.

Maxamed Axmed oo ah aasaasaha Warbaahinta Inside Africa oo xilliigan ku sugan dalka Turkiga, ayaa isaguna sheegay in Muwaadin Qoyskiisa oo Waxbarasho Jaamacadeed ka helay Maraykanka uu dalkaasi ku tagay Baasaaboorka Somaliland “Dhawaan nin dhaliinyaro ardaya ah oo aanu ehel nahay ayaa qabuul ka helay Jaamacad Maraykanka ku taalla, Passport-ka Somaliland ayaa loogu dhuftay Fiisaha ardayda la siiyo. Mubaarikna waa kiiskii labaad ee aan arko muddo kooban gudaheed ee Maraykanku u fiiseeyo Passport-ka Somaliland, xili Trump dadka Passport-ka Soomaaliya sita ka madnuucay inay Maraykan cagta soo dhigaan, xitaa kuwa sita Baasaaboorka diblumaasiga ah, wuxuu ku daray liiska cas ee ay Waqooyiga Kuuriya, Iran iyo Afghanistan ku jiraan.” Ayuu yidhi Axmed Maxamed, waxaanu intaa ku daray “Mar hadduu Maraykanku Baasaaboorka Somaliland aqbalayna waxaad ogaataa dalalka kale ee Adduunkuna way aqbalayaan.”

Sidaas oo kale, Faadumo Cali oo ah Muwaadinad reer Somaliland oo u doodda qadiyadda madax-banaanida Somaliland, oo iyaduna muuqaal arrintaa ku saabsan baahisay, ayaa sheegtay inay Baasaaboorka Somaliland ku tagtay dalka Maraykanka, iyadoo soo bandhigtay taariikhda kastamka garoonka diyaaradaha ee ay ka degtay u fiiseeyay Baasaaboorka Somaliland.

Dadka siyaasadda falanqeeya, ayaa aqbalaadda Maraykanka ee Baasaaboorka Somaliland ku macneeyay inay hor-dhac u tahay qorshaha Maamulka Madaxweyne Doland Trump uu ku aqoonsanayo Somaliland.

Dhawaan, waxa Somaliland iyo Maraykanka u bilaabmay wada-hadallo ku saabsan in Maamulka Trump uu dawlad madax-banaan u aqoonsado Somaliland, taa beddelkeedana uu saldhig Ciidan ka samaysto xeebta Istaraatiijiga ah ee Berbera.