UK (SLPOST) Dawladda Ingiriiska ayaa mar kale ku celisay digniintiisii amni ee ahayd inaanay muwaadiniintiisu tegi karin Somaliland, marka laga reebo Hargeysa iyo Berbera oo iyagana ay u tagi karaan socdaalada muhiimka ah oo keliya.
Qoraal uu 17 April soo saaray xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriisku ee FCO, ayaa wuxuu muwaadintooda ugaga digay socdaalada ay ku tagi jireen Somaliya oo dhan oo ay Somaliland ku jirto, βXafiiska arrimaha dibadda iyo barwoaaqo sooranka (FCO) wuxuu ku talinayaa inaan loo socdaalin Somaliya oo ay Somaliland ku jirto marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo uu xafiiska FCO ku talinayo inΒ loo tagi karo uun safarada muhiimka ah.β Ayaa lagu yidhi qoraalka, waxaanu intaas raaciyay, βMuwaadin kasta oo ingiriis ah oo ku sugan dhulka Somaliya oo uu xafiiska FCO socdaalkooda ka digayo waa inay ka baxaan. Muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo Hageysa iyo Berbera aan u joogin socdaalo muhiim ahi waa inay ka baxaan.β
Ingiriisku wuxuu sheegay inuu aaminsanyahay inayΒ argagixisadu qorshaynayso weeraro ka dhan ah danaha reer galbeedka ee Somaliland. βFCO wuxuu aaminsanyahay in kooxaha argagixisadu ay qorshaynayaan weeraro ka dhan ah reer galbeedka Somaliland ku sugan.β Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka digniinta ah.
Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds oo khamiistii la kulmay madaxweyne Siilaanyo ayaa Hargeysa ka sheegay inay xayiraadii amni ka qaadeen Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.