Dartmouth (SLpost) – Wargays todobaadle ah oo ka soo baxa magaalada Dartmouth ee dalka Ingiriiska ayaa jimcihii horeΒ boggiisa hore iyo bartiisa internet-kaba ku soo qoray maqaalΒ uu kaga hadlayΒ Nimcaan Brian BowdenΒ oo ah wiil ay iska dhaleenΒ aabbe Ingiriis ah iyo hooyo Somaliland ka soo jeedaa ooΒ ku nool Hargeysa.
Wiilkan oo sidaΒ Wargayskaas iyo saxaafadda kale ee Somalilandba waxka qoreen ayuu aabbihiiΒ Brian Bowden yimi Somaliland 1958, kana soo shaqeeyay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxana ugu dambayntii lagu dilay Muqdisho 1991-kii isagoo markaas ka shaqaynayayΒ Safaaraddii Ingiriiska ee Muqdisho kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa qofki kali ahaa ee Ingiriiska kaga hadhsanaa Somaliya markii uu dagaalku ka qarxay Muqdisho iyo Dawladdi Siyaad Barre-na dhacday.
Hadaba Nimcaan Brian Bowden oo sidoo kale hooyadii geeriyootay isagoo yar 1994-kii, kuna soo koray nolol qallafsanΒ oo dayacΒ iyo darxumo badan ayaa illaa horraantii sannadka 2013 ayΒ si mutadawacnimo ah uga shaqaynayeen xubno ka tirsanΒ Qurbajoogga Somaliland, shakhsiyaad ay aabbihii saaxiibbo ahaayeen iyo mutadawaciin kale oo dalka jooga iyagoo gaar ahaan ku dadaalay inay codkiisa la maqlo, lana xidhiidhayΒ hayβado badan oo ka tirsan dawladda Britain.
Inkasta oo saxaafadda Somaliland ee madaxabannaan sida Somalilandpress,Β Horn Cable TV, Bulaxaarnews iyo laamo kale ay runtii aad uga qaybqaateen in qadiyaddiisa la oggolaado, waxana hadana markii u horraysayΒ meelo badan oo dalka Ingiriiska ah laga ogaadayΒ qadiyadda NimcaanΒ markii uu WargayskaΒ Dartmouth ChronicleΒ uu maqaal dheer oo xaqiiqooyin iyo xiqashooyin badan oo taariikhdiiΒ Brian Bowden iyo xaaladda nolosha Brian BowdenΒ ka qorayΒ jimcihii hore.
Tifaftire ku xigeenka Wargayska DartmouthΒ Stuart Nutell oo runtii isku hawlay inuu dhinacyo badan oo kala duwan kala xidhiidho arrinta wiilkan British-Somalilander-ka ah ayaa markaleΒ Jimcaha maantaΒ maqaal kale ka qoray arrinta Nimcaan Brian Bowden.
Wargayska ayaa sheegay in Safiirka dhawaan loo soo magacaabay Somaliya ee dawladda BritainΒ uu sheegay inuu u kuur galayo arrinta ku saabsanΒ wiilka uu dhalay nin ka soo jeedaa magaaladaas Dartmouth oo Hargeysa ku nool
Nigen Wigan oo bilawgii todobaadkan uun shaqada danjirenimo bilaabay ayaa isagoo ka jawaabayaΒ Email uu Wargayska Dartmouth u qoray sheegay in arrant wiilkan lagu wargeliyay isagoo aan shaqadaba bilaabin markiiΒ ay sheekadani ku soo baxdayΒ Wargayska Dartmouth todobaadkii hore.
Safiirka Britain ee Somaliya Nigen Wigan ayaaΒ sheegay inuu kala tashanayo shaqaalaha gudaha ee safaaradda si uu wararkan ugu dambeeyayΒ ee Nimcaan Brian Bowden wax uga ogaado.
Maqaalka dambe ee Wariye Stuart Nutell ee Wargayska Dartmouth maanta ka qorayΒ Nimcaan Brian Bowden oo dheeraa, dhinacyo kala duwan oo muhiim ahna uu wariyuhuΒ la xidhiidhiyay maqaalkan, waxa hadana xusid mudan in dhawaaqa ka soo baxayΒ Safiirka Ingiriiska eeΒ Somaliya u jawaab u noqon karo codsigaΒ Nimcaan Brian Bowden uu kaga dalbanayo Dawladda Ingiriiska in la siiyoΒ sharciga dhalashada BritainΒ isaga iyo xaaskiisa taasoo uu xaq u leeyahay.
Wariyaha maqaalkan maanta qoray ee WargayskaΒ Dartmouth oo magaciisa la yidhaahoΒ Stuart Nutall wuxu ka codsaday cidkasta oo waxka og ama ka ogaydΒ Brian BowdenΒ Β inayΒ kala soo xidhiidhaanΒ Wariyaha oo cinwaannadan leh Β Β Β If you knew Brian Bowden, please email stuart.nuttall@ tindlenews.co.uk or telephone 01548 856353.Β
For reading more of the article please follow the link below
http://www.dartmouth-today.co.uk/