Hargeysa (SLpost)-Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horreysay hawl al ay xalay ka fulisay magaaladda waxay ku soo ururiyeen 38 neef oo loโ ah oo ka mid ah xoolaha dhex daaqa suuqyada iyo shaaricyadda magaalada, kuwaasi oo la geeyay xero boonta dawlada hoose ku xarayso xoolaha.
Agaasimaha waaxda Arrimaha bulshada ee dawlada hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali, oo ka waramayay arrintan ayaa sheegay inay hawl gal ay xalay ka fuliyeen magaalada Hargeysa ay ku soo ururiyeen 38 neef oo loโ ah, kuwaasi oo haatan ku jira goobta loogu tallo galay in lagu ururiyo xoolaha dhex daaqa suuqyada Hargeysa goobtaasi oo la yidhaahdo xero boon-ta.
Agaasimaha Arrimaha bulshadda dawlada Hoose oo ka hadlayay hawlgalkaasi wuxuu yidhi โWaxaynu maanta ku sugan nahay xero boonta dawladda hoose ee Hargeysa waxaanu xalay olale balaadhan aanu ka fulinay magaaladda Hargeysa, anagoo fulinayna awaamiirta masuuliyiinta sar sare ee dawladda Hoose iyo Gudidda heer qaran ee bilcda magaaladda, waxay masuuliyiinta dawladda Hoose ay dadweynaha warbaahinta u mariyeen farriin ay ku saabsan in xoolaha lagu soo daayo shaaricyada lagala baxo waxaanu amarkaasi ku ekaa 210-kii bishan. Waxaanu xalay 38 neef oo loโ ah ka soo kaxeynay suuqa Gobonimo iyo badhtamaha caasimada Hargeysa.โ
โLoโdan dadka lihi waxay ku soo dhex daayaan suuqa Hargeysa si ay u soo daaqdo khashinka, dhibaatada ay dadweynaha ku hayso loโdani waxa ka mid ah caafimaad xumo, waxaanay soo kordhisay bilic xumo oo xaarkeedii ayaa meel walba yaala. Waxa kale oo ay qeyb ka tahay shilalka gaadiidka markay fadhiisato waddooyinka magaaladda,โayuu yidhi Khadar Yuusuf.
Duqa Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in in hawl galkani ka dhashay goโaan ay soo saareen gudidda bilicda ee qaranka oo amar ku bixiyay in xoolaha laga joojiyo shaaracyada magaalada, waxaanu tilmaaamay inay goโaankaasi fulisay dawlada Hoose.
Maayarku wuxuu balan qaaday inay sii waddi doonaan hawl galka ay ku soo qabqabanayaan adhiga,loโda iyo xoolaha dhex daaqa magaalada dhexdeeda.
โImika loโdii uun baanu soo qabanay laakiin adhiga, Geella iyo dameerahaba waanu soo xaraynaynaa, waxaanu dadweynaha u soo jeedinaynaa inay xoolaha ay ku dhex haystaan magaalada u foofiyaan dibadda magaaladda, kana ceshadaan suuqyadda,โayuu yidhi Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.
Maayarku wuxuu waaxda arrimaha bulshadda ee dawlada hoose ku ammaanay hawlgalkan ay ku soo ururiyeen 38-ka neef ee loโda ah.

Maayarku waxa kale oo uu intaasi ku daray inay hawl gal balaadhan ku qaadi doonaan jaadka lagu iibiyo waddooyinka magaalada hareerahooda isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan.
Xoghayaha fulinta dawladda Hoose Hargeysa Mawliid Waris Cabdilaahi ayaa sheegay inay loโdan muddo sadex maalmood ah ay hayn doonaan, cidii soo doonatana laga qaadi doono ganaax lacageed, xoolihii loo iman waayana lala wareegi doono oo loo qeybin doono jeelka Hargeysa iyo cisbitaalka waalida si loogu qalo dadka halkaasi ku jira.
Xoghayuhu wuxuu sheegay inaan dawladda Hoose dib u ogolaan doonin in xoolaha lagu soo daayo shaaricyada magaalada waxaanu tilmaamay in xoolaha la qabto lagu ganaaxi doono lacag, haddii mar kale la qabtana lala wareegi doono.
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net