
Ninka Ugu ildheerbaa dadka ugu ayaan daran:
Madaxwene Siilaanyo qudbadiisu waxa ay ahayd mid faan faan ah oo ka fog xaqiiqda dhab ta ah ee jirta. Marwalbana waxa dadka masaakiinta lagu mashquuliyaa Mudaharaado si looga leexiyo Dadka Xaqiiqda dabta ah ee Jirta.
Waxa uu inoo sheegay Madaxweyne Siilaanyo in maaliyadii ay korodhay. Midan ayaa macnaheedu yahay Hayadihii Samafalka ayaa kordhiyey micaawamadii ay ina siin jireen. Oo Madaxweynuhu waxa uu ku faanayaa, Tuugaysi iyo Baryootan.
Somaliland ma dhoofin oo Kama faa,iidaysan, Dallaga Beeraha AMA Dallaga Baddaha AMA ka Xoolaha midna, wax soo saarna Wadanku malaha, Marka waliba la eego house hold income ka Iyo waliba macaashka ay samaynayaan baayac mushtarkub hoos ayuu u dhacay, hadana Madaxweynuhu waxa uu inoo sheegayaa maaliyadii ayaa korodhay, oo xagee wax ka yimaadeen wax soo saarba productivity ma jiree. Madaxweynuhu ma jeebkiisa ayuu Xoogaa Kaga daray Maaliyadii, Waa yaab!!!!!! maaliyada korodhay Waa Hayadaha samafalka oo kordhiyey caawimadii ay siin jireen Wadamada saboolka ah sida Somaliland intaas ayuu ku faanayaa madaxweynuhu.
Fees and Fines, Cashuuraha, dawladaha dadkooda jecel ee Korinaaya Dhaqaalahooda iyo dadkooda, dadka Way ka dhimaan cashuuraha, ee kuma Kordhiyaan, Tusaale: Dawladii Riyaale Waxa ay baayacmushtarka ka dhimi Jirtey Cashuurta alaabada ay keensadaan, Baayac Mushtarkuna dadka ayay qiimaha ka dhimi jireen. sababtaas ayaa Muceeshadu u jabnayd Xiligii riyaale, iminka Cashuur badan ayay Saarataa dawladu alaabada dekada ka soo degta, baayac Mushtarkuna dadka ayay ku wareejiyaan cashuurtaa badan sababtaas ayaa raashinka iyo alaabada kale aad ugu qaali tahay Marka loo eego Xiligiii Riyaale.
Dawladaha Dhaqaalahooda danta ka lihi, waxa ay siiyaan dadka Fursado ay lacag ku macaashaan, Sida Cashuurta oo laga Yareeyo, midan ayaa Baayacmushtarku ku Koraa oo ku Shaqaalaysiiyaa dad badan, dawladu markii ay korshisey cashuurii waxa kale oo ay la degtey baayacmushtarkii oo aan lacag samaynin Shaqaalana aan Qoranaynin.
Wax Barashada: waxa Si qiiro ah oo aan Xikmadi ku jirin looga dhigay waxbarashadii Free, iyada oo aan loo Diyaarin Fasalo, macalimiin iyo agabka waxbarashada oo ku filan, midan ayaa hoos u dhigtay tayadii waxbarashada. ileen markii waxbarashadii Free laga dhigay Waxa qolkiiba soo fadhiistay 60 ilaa boqol arday oo aan macalin haysan ileen macalimiin looma tababarine.
Biyaha, iyo Wadooyinka, Maadaama ay Hayadaha Samafalku kor dhiyeen Caawimadii ay siin Jiriin wadamada Faqiir ka ah Sida Somaliland, wax ay dadkii u dheseen Ceelal iyo Wadooyin, ma aha Ceelasha iyo wadooyinka iyo Dhakhaatiirta wax Xusbiga Kulmiye uu sameeyey waxa inoogu deeqay Hayadaha samafalka, waa wax ku yimi Tuugaysi iyo Baryootan ma aha waxa aynu ku Keenay Maskax iyo Muruq.
Dinaca arrimaha dibada, Somaliland waxa lagu ixtiraamaa darajadii ugu hoosaysey ee abid lahu ixtiraamo.
Waxyaabahaa aan sare ku soo xusay oo dhan waxa keenay, Waayo arag la,aanta dawlada, Shaqaalihii Xirfada lahaa oo lagu bedeley Shaqaale aan Xurfad lahayn oo Ku yimi Garabaysi iyo abaalgud. waxaana mushaakilkan lagaga sabo-tabixi karaa iyada oo Xukunka lagu soo celiyo ragii waayo araga ahaa, oo uu wasiiradan Curdaynka ah Bedelo Siilaanyo isaga oo ku badelaaya, Cirro, Cabdilaahi yare, Riyaale, Cawil ambasador ragaas leh maskaxda waayo aragnimada iyo kartida dheeraadka ah.
Dadkan uu ku soo Urruriyey Siilaanyo Meesha, Waxa ay la degeen horumarkii Wadanka Gudo iyo Dibadba waana lagama maarmaan inuu doonto dad u qalma hawsha oo gudan kara xilkooda
Ninka ugu ildheerbaa Dadka ugu ayaan Daran.
Cabdi Qadir Jama Ismail [Dacar]
USA, CA
Gobanimodoon@sbcglobal.net