Daraasad Sharci Oo Ku Sahabsan Muranka Maamul Ee Ka Dhexeeya Dowladaha Hoose Ee Dalka Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud.

0

legalDhowaanahan waxa soo baxay muran maamul oo ka dhexeeya Dowladaha Hoose ee Dalka & Wasaaradda Howlaha Guud, taasoo aynu ku aragnay Saxaafada madaxa banaan ee maxaliga ah hadalo ay is dhaafsanayaan labada dhinac, kuwaasoo mid waliba ka kale ku eedaynayo inuu sharcigii baal maray, waxa xusid mudan in Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud uu sheegay inuu soo saaray wareegto uu ku amrayo Maamuladda D/hoose in ay ku soo wareejiyaan dhulka danta guud, wuxuu kaloo sheegay in uu soo saaray amar xayiraadeed oo uu ku xayirayo dhul ku yaal Waaxda M/Mooge oo D/hoose ee Hargeysa u rararsay dad bara-kacayaal ah, isagoo sheegay in iminka wixii ka danbeeya dhul danbe oo dan guud ah aaney awood u lahayn maamulada Dowladaha Hoose ee Dalku bixintiisa.

Murankaasi ka dhex taagan labadan maamul ayaa u baahan falanqayn iyo lafo-gur sharci oo si mug leh uga jawaaba is-qabadkooda; haddaba si aynu u ogaano cid xaqa ku taagan iyo cida dar-jiidhaysa waa inaynu jawaab sharci u helno suโ€™aalahan; Ma jiraa xeer dhulka lagu maamulaa?. Haddii uu jiro xeerkaasi yuu awood u siiyay bixinta iyo maamulka dhulka magaalooyinka? Si cad Xeer u sheegay maamulka dhulka danta guud ah? Wasaaradda H/guud doorkee ayay ku leedahay maamulka iyo bixinta dhulka magaalooyinka?. Ma jiraa Xeer kala xadaynaya awoodaha maamul ee D/hoose iyo Dawladda dhexe?. Sharcigu miyuu awood u siinayaa in Wasiiradu dhulka xayiraan sida Maxkamaduhu u xayiraan dhulka?

Si aan suโ€™aalahaa uga jawaabno aan u eegno Dastuurka iyo xeerarka dalka JSL oo uu ugu horeeyo Dastuurku:

Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland:

vย  Qod:110 (1) Dastuurka JSL waxaa lagu sheegay sidan: โ€œMaamulka gobollada iyo degmooyinku waa qayb ka mid ah Maamulka Xakuumadda Jamhuuriyadda Somalilandโ€.

vย  Qod:112(2) Dastuurka JSL waxaa lagu sheegay sidan: โ€œKaIa-xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka ayaa caddeynayaโ€.

ย 

XEERARKA DALKA:

Dhinaca Xeerarka waxa jira laba xeer si cad u tilmaamaya maamulka dhulka sida qorshayntiisa, naqshadaytiisa iyo bixintiisaba, iyo kala xadaynta awoodaha maamul ee D/hoose iyo Dawlada dhexe, kuwaas oo kala ah:

a)ย ย  Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka (XEER NO. 17/2001)

b)ย ย  Xeerka Is maamulka Gobolada & Degmooyinka JSL (XEER NO. 23/2003)

vย  Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka (XEER NO. 17/2001); Qodobkiisa 2aad iyo14aad ayaa sheegaya cida awooda u leh dhul-bixinta, waana sidan:

Qodobka 2aad, faqrada 1aad ee Xeer No.17/2001: (AWOODA DHUL BIXINTA)

1)ย ย  โ€œMaamulka iyo bixinta jagooyinka dhisme ee magaalooyinka (degmooyinka) dalka jsl, waxa iska leh maamulka dowladaha hooseโ€.

Qodobka 2aad, faqrada 2aad ee Xeer No.17/2001: (DHULKA MAAMULKIISA D/DHEXE AWOODDA U LEEDAHAY):

2) โ€œMaamulka Wixii Dan Guud Ah Sida; Dhulka Xafiisyada Iyo Guryaha Dawladda, Diblumaasiyiinta, Wershadaha Iyo Dhamaan Dhulkii Hore Loo Odhan Jiray (Shacab Area) Waxaa Iska Leh Dawladda Dhexeโ€.

Qodobka 2aad, faqradaha 3aad & 4aad ee Xeer LR.17/2001: (XAFIISKA NAQSHADA GUUD):

3) โ€œWaxaa Jiraya Xafiis Ka Wakiil Ah Guddiga Qaranka Ee Naqshada Guud Kuna Yaala Xarumaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Heer Degmo,Gobol, Qaranโ€.

4) โ€œXafiiska Lagu Sheegay Faqrada 3aad Ee Qodobkan Wuxuu Hubinayaa Waraaqaha Dhulka Ee Ka Soo Dhamaaday Maamulka Ee D/Hoose In Ay Waafaqsan Yihiin Naqshada Guudqโ€.

Qodobka 2aad, faqrada 5aad ee Xeer No.17/2001: (REEBIDA FARA-GELINTA DHUL):

5) โ€œWaxaa Reebban In Ciidamada Qalabka Sida Iyo Hayโ€™adaha Kale Ee Dawladda Ee Aan Ahayn Kuwa Lagu Sheegay Faqrada 1aad & 2aad Ee Qodobkan In Ay Haba Yaraatee Wax Faragelin Ah Ku Sameeyaan Maamulka Arrimaha Dhulkaโ€.

Qodobka 14aad ee Xeer No.17/2001: (BIXINTA JAGO DHISME)

1)ย ย  โ€œMaamulka dowladaha hoose, iyadoo dhowraya sharciga iyo shiruucda kale ee u yaala qorshaha magaalooyinka dalka somaliland (town planning & town ship rules), waxay awood u leedahay iney siiso dhul qof kasta oo muwaadin ah, shirkado, ururo wadani ah iyo hayaโ€™daha dowladaโ€.

vย  Xeerka Is Maamulka Gobolada & Degmooyinka JSL (XEER NO. 23/2003); Qodobka 68aad (WAAXYAHA DEGMOOYINKA DARAJADA โ€œAโ€; faqradiisa (C) (XILKA WAAXDA HOWLAHA GUUD & DHULKA EE DOWLADAHA HOOSE); xubnaheeda 10aad, 20aad, 23aad & 25aad, kuwaasi oo u dhigan sidan:

10. โ€œIlaalinta, daryeelka, qorshaynta iyo jaangoynta dhulka danta guud ahโ€.

20.ย  โ€œHubinta, is-waafajinta naqshada iyo qaabka dhul bixintaโ€.

23.ย  โ€œAstaynta iyo tilmaamida goobaha danta guudโ€.

25.ย  โ€œDejinta iyo sameynta qorshaha horumarinta degmadaโ€.

ย 

LAFA-GURKA QODOBADA LABADA XEER (Xeer Lr.17/01 & 23/03):

Marka la isla akhriyo nuxurka qodobada labadan xeer waxaa soo baxaya arrimahan:

1.ย ย  In maamulka dhulka magaalooyinka ay tahay awood iyo xil u gaar ah Dowlada Hoose.
2.ย ย  In Dowladaย  Dhexe marka laga hadlayo dhulka magaalooyinka ay awood u leedahay oo keliya, dhulka naqshada guud ku muujisan ee loo qorsheeyay in laga dhiso xafiisyo Dawladeed, Guryo Dawladeed, Diblomaasiyiin, wershedo iyo dhulkii aag shacab loo yaqaanay, taas oo marka laga reebo dhulka shacabka loo yaqaanay waqtigii Ingiriiska dhulalka kale noqonayaan kuwo ay D/hoose siiyeen oo cayimeen in xafiisyo, guryo D/dhexe looga dhiso ama xarumo diblomaasiyadeed laga dhiso ama wershedo loogu talo galo, sida ku cad nuxurka Qod:2,(2), 6(1), 14(1) ee X/17/01 iyo Qod:68(20,23) ee X/23.03;
3.ย ย  In dhul kasta oo degsiimo ama dhisme loo qorsheeyay, oo aan ahayn dhul aag shacab ah ujeedo dhisme ama degsiimo oo gaar ah ama guud loo adeegsanayo ay Xeerarku bixintooda iyo qorshayntooda awood u siiyeen D/hoose oo keliya;
4.ย ย  In Wasaaradda H/guud aan wax door ah oo ay maamul dhul iyo dhul bixin magaalo ku leedahay labadaa xeer iyo xeer kale midna u aqoonsan;
5.ย ย  In aanu jirin Xeer dhaqangal ah oo Wasaaradda H/guud u xilsaaraya ama u igmanaya in D/dhexe uga masuul tahay dhulka maamulka D/dhexe xeerku hoos geeyay, marka laga reebo in xafiis Guddiga Qaranka ee Naqshada Guud uu xarunteeda ku yaalo

ย GEBAGEBO:

ย 

Sida lagu qeexay Xeerka Is maamulka Gobolada & Degmooyinka JSL (XEER NO. 23/2003); Qodobka 103aad (AWOODAHA DOWLADA DHEXE) faqradihiisa 2aad, 3aad, kuwaasi oo u dhigan sidan:

2.ย  โ€œWaxa reeban iney xukuumadu soo saarto wareegto ama amar burinaya ama is-hortaagaya fulinta iyo ku dhaqanka qodob ama qodobo ka mid ah xeerkan ka dib marka uu dhaqan galoโ€.

3. โ€œHaddii ay dhacdo arinta faqrada 2aad ku xusan ee qodobkan waxay ciqaabta ka dhalataa gaar u noqonaysaa masuulkii amarka bixiyey ama wareegtadu kasoo baxday is-hortaaga ahiโ€.

Iyo Sida lagu qeexay Qod: 2aad, faqrada 5aad ee Xeerka Maamulka dhulka Magaalooyinka Xeer Lr.17/01 oo u dhigan:

5) โ€œWaxaa Reebban In Ciidamada Qalabka Sida Iyo Hayโ€™adaha Kale Ee Dawladda Ee Aan Ahayn Kuwa Lagu Sheegay Faqrada 1aad & 2aad Ee Qodobkan In Ay Haba Yaraatee Wax Faragelin Ah Ku Sameeyaan Maamulka Arrimaha Dhulkaโ€.

ย 

Waxaan shaki ku jirin Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud in uu ka gudbay xaydaabkii sharci ee u dhaxeeyey wadda shaqaynta Hayaโ€™daha Dowliga ah sida Dowladaha Hoose iyo Dowlada Dhexe, doonayana awood maroorsi aan sharci ku dhisnayn, sidaa awgeed amarka xayiraada Wasiirku ma laha qiimeyn sharci, cid kasta oo dhibi kasoo gaadhana waxa masuuliyadeed si toosa dusha ugu ridanayo, iyadoo dadka tooska ugu dhiban ee waxyeelada tooska ahi ka soo gaadhayso amarka sharci-darada ee Wasiirka H/guud ay yihiin dadka barakacayaasha ah ee muddo shan sano ka badan ku noolaa beer dad gaar u leeyihiin oo ay ka bixiyaan kiro habeenle ah, kuwaas oo D/hoose hadda u raraysay dhulkan oo waxlooga qaban karo, kiradiina ay kaga fursan lahaayeen.

ย 

Daraasadan sharci waxa diyaariyey:

Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan