Daraasad laga sameeyey Wax-qabadka Hayโ€™adaha Dawladda oo natiijadeeda lagu Daah-furay Film Documentary ah oo la soo bandhigay

0

Natiijada Daraasado laga sameeyey Wax-qabadyada Hayโ€™adaha Dawladda oo lagu soo bandhigay Film Documentary ahHargeysa (SLpost)- Dokumentary xambaarsan daraasad markii u horeysay si cilmiyeysan looga diyaariyey wax-qabadyada hayโ€™adaha Xukuumadda oo muujinaysa sida ay ugu kala horreeeyaan dhinacyada wax-soo-saarka iyo qabashada adeegyada bulshada, ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.

Daraasadaha lagu soo bandhigay Dokumentary-ga waxa soo diyaariyey isla markaana ka hawl-galay Urur Dhalinyaro ah oo iskood isu-xil-qaamay laguna magacaabo Hargeysa intellectual & Talent Club, kuwaas oo intii ay ku gudo-jireen baadhitaannadooda Waraysiyo kala duwan ka qaaday masuuliyiinta hayโ€™adaha kala duwan ee dawladda.

Munaasibad loo qabtay bandhigga Filim (Documentary) lagu soo ururiyey natiijada Daraasadda oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay isla markaana lagu marti-qaaday Marwada Madaweynaha Aamina Maxamuud Jirde, Masuuliyiin ka kala tirsan hayโ€™adaha dawladda, hoggaanka Dhalinyarada ku Bahowday Ururka iyo Marti-sharaf kale.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN IYO DADKA KA HADLAY MUNAASIBADDA